Maamulka warbaahinta Goobjoog ayaa si adag u cambaareeyay xarigga iyo afduubka ay ciidanka dawladda Soomaaliya u geysteen wariye Rowdo Xasan Taakile oo ka tirsan hawl-wadeennada Goobjoog.
War qoraala ah ka soo baxay maamulka sare ee Goobjoog ayaa lagu yiri “Maamulka Goobjoog Media Group wuxuu si adag oo aan tanaasul lahayn u cambaareynayaa afduubka iyo xarigga sharcidarrada ah ee ay ciidamada dawladdu xalay kula kaceen Weriye Rowdo Xasan Taakilo, oo ka tirsan hawlwadeennada warbaahinta Goobjoog, xilli ay u sii hoyanaysay gurigeeda.
Xariggan wuxuu muujinayaa cabburinta sii xoogaysanaysa ee saxaafadda iyo xorriyad-ka-qaadista wariyaasha wardoonka ah ee ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Waxaan ugu baaqaynaa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan laamaha amniga inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan wariye Rowdo Xasan Taakilo, lana ixtiraamo hufnaanta shaqada warbaahinta madaxa bannaan iyo shuruucda dalka”.
Xarigga sharci-darrada ee wariye Rowdo Xasan Taakilo ayaa qeyb ka ah cadaadis baahsan oo warbaahintu muddooyinkii dambe ay kala kulmaysay ciidanka Dawladda, ayadoo wariyaasha lagula kacayo xarig iyo afduub joogto ah.
Maamulka Goobjoog media group oo si ad u cambaareeyay xarigga wariye Rowda Xasan Taakile
Maajo 7, 2026