MUQDISHO (GOOBJOOG) — Xilli caalamku uu weli la tacaalayo saamaynta masiibooyinkii caafimaad ee soo maray, waxaa soo kordhay walaac xooggan oo laga muujinayo fayraska dilaaga ah ee Hanta, ka dib markii kiisas dhimasho ah laga soo sheegay markab dalxiis oo marayey Badweynta Atlaantigga ee laga leeyahay dalka Holland.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa heegan geliyey laamaha caafimaadka ka dib markii fayraskan uu si lama filaan ah u dhex galay dad rakaab ah, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan in dunidu ay wajaheyso mowjad cusub oo xanuun dilaa ah.
Maxay yihiin kiisaska ilaa hadda la diiwaan geliyey?
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka, ugu yaraan saddex qof ayaa u dhintay fayraska Hanta intii uu markabku ku jiray safarkiisa, halka afar kale ay xaaladoodu aad u daran tahay.
Fayraskan oo lagu yaqaanno inuu ku yimaado qaab “kedis” ah, ayaa beddelay jawigii markabkaas, isagoo ka dhigay “markab geeri” oo badda dhex sabeynaya.
Sidee buu ku faafaa Fayraska Hanta?
Khubarada caafimaadka ayaa aaminsan in faafitaanka hadda uu salka ku hayo xayawaanka calalshada ah (rodents) sida jiirka oo ku jiray markabka. Fayraska ayaa loo qaadaa hababka soo socda:
- Neefsashada: Marka qofku neefsado hawo ay ku jiraan haraaga kaadida ama saxarada jiirka ee fayraska xambaarsan.
- Taabashada: Haddii qofku taabto meel ay wasakhdaas ku jirto ka dibna uu iska mariyo afka ama sanka.
Waxa ugu khatarta badan waa in fayraskani uu si toos ah u weeraro sambabbada, isagoo qofka ku keenaya neef-qabatin degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin horudhac ah.
Astaamaha iyo Halista aan dawada lahayn
Fayraska Hanta ayaa lagu tilmaamay mid “bahal” ah (aggressive virus), sababtoo ah astaamihiisa hore waxay aad ugu eg yihiin hargabka caadiga ah, taas oo keenta in dadku ay dhayalsadaan ilaa ay xaaladdu xumaato. Astaamaha waxaa ka mid ah:
- Qandho aad u sarreysa iyo muruq xanuun.
- Lalabo, madax xanuun, iyo wareer.
- Fashil ku yimaada kelyaha iyo hoos u dhac ku yimaada cadaadiska dhiigga.
Heerka dhimashada: Haddii aan qofka lala gaarin daryeel caafimaad oo degdeg ah, heerka dhimashada fayraskan ayaa gaarta ilaa 50%, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah fayrasyada ugu khatarta badan ee hadda jira.
Ma jiro tallaal ama dawo rasmi ah
Warka ugu naxdinta badan ayaa ah in ilaa maanta aanu jirin tallaal la aqoonsan yahay ama dawo si gaar ah u dawaysa fayraska Hanta. Dhaqaatiirtu waxay kaliya isku dayaan inay yareeyaan astaamaha xanuunka iyo inay qofka ka caawiyaan neefsashada inta ay naftu ku jirto.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in la kordhiyo feejignaanta, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin jiirka iyo xayawaannada la midka ah, iyadoo la xoojinayo nadaafadda iyo kala fogaanshaha haddii la arko calaamadaha cudurka.
Weli ma cadda in cudurkani uu isu beddeli karo masiibo caalami ah (Pandemic), balse xawaaraha uu ku dilay rakaabka markabka Atlaantigga ayaa ah digniin culus oo ku socota dunida.