Madaxweynaha Emmanuel Macron ayaa hadal si weyn loo hadal hayo ka jeediyay shir madaxeed ka socda Kenya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 30 hoggaamiye Afrikaan ah.
Macron ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Fransiiska iyo qaaradda Afrika uu galayo marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo horumar wadajir ah.
Macron ayaa Afrika ku tilmaamay qaaradda ugu da’da yar dunida, isagoo xusay in koboca dhaqaale ee qaaraddu uu sannadaha soo socda ka dheereyn karo dalalka Koonfur-bari Aasiya.
Shirkan oo ka socda magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saarayaa maalgashiga, tamarta nadiifta ah, teknoolojiyadda, iyo sidii Afrika ay u heli lahayd fursado dhaqaale oo ka cadaalad badan nidaamka maaliyadeed ee caalamka.
Kulankan ayaa sidoo kale loo arkaa dadaal cusub oo Faransiisku ku doonayo inuu dib ugu xoojiyo saameyntiisa qaaradda Afrika, xilli sanadihii dambe uu wajahayaay caqabado siyaasadeed iyo dib-u-dhac dhanka xiriirka ah oo ka jiray dalal badan oo Galbeedka Afrika ah.
Faransiiska oo sheegay in xariirka uu afrika la leedahay uu galayo marxalad cusub oo iskaashi ah
Maajo 11, 2026