Siddeetan iyo saddex sano ka hor, maanta oo kale, magaalada Muqdisho ma ahayn caasimadda xorta ah ee aynu maanta ku dhex soconno, waxay ahayd xarun gumaysi oo lagu tijaabiyo kalaqaybinta iyo cabburinta dadka Soomaaliyeed. Ma jirin ciidan, ma jirin bangiyo lacageed, mana jirin aqoonsi caalami ah. Waxaase jirtay awood ka xoog badan intaas oo dhan, waxayna ahayd: awood iyo garaad midaysan iyo nidaam wadashaqayneed oo layaab lahaa.
15kii May 1943, maanta oo kale, waxaa dhashay kacdoonkii horseedka ahaa ee ugu weynaa sooyaalka Soomaalida ee Geeska Afrika degen. Somali Youth League (SYL) ma ahayn kaliya xisbi siyaasadeed, balse wuxuu ahaa madal hal-abuureed iyo urur dhallinyaro oo go’aansaday inay beddelaan jihada Sooyaalka.
Gogashii ugu horraysay waxaa dhigay 13 dhallinyaro ah oo u dhignaa sida ‘unug sirdoon’ oo midaysan. Laga soo billaabo hoggaamintii Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawaddiin, asaasihii Yaasiin Xaaji Cismaan, ilaa dhiirinaantii xubnihii kale sida Maxamed Xirsi Siyaad, Xaaji Maxamed Cabdulle, iyo Dheere Xaaji Dheere. Dhallinyaradan ma ahayn kaliya magacyo ku qoran warqad. Waxay se ahaayeen aqoonyahanno, shaqaale, iyo hal-abuuro isugu yimid inay dumiyaan gidaarka gumaysiga iyo qabyaaladda, iyagoo dhisay nidaam ay ku midoobeen 13kaas xubnood iyo boqollaal kale oo la dhabar-adaygay cadaadiskii gumaysiga.
Kacdoonkan, oo uu hormuud u ahaa aqoonyahan Yaasiin Xaaji Cismaan iyo saaxiibbadiis, waxay u dhabar-adaygeen cadaadiskii labadii gumaysi ee isbeddelay. Waxay dhiseen nidaam maamul oo layaab leh, iyaga oo xafiisyo ka furtay dhulka Soomaaliyeed ee shanta ah, iyaga oo adeegsanaya qorshe isku xiran oo ku dhisan: xograadin, iskufillaansho dhaqaale, iyo wacyigelin bulsho.
Inkastoo ay ka soo wareegtay wax ku dhow qarni, haddana maanta iskuma hawlayno inaan dib u akhrino taariikhdooda laga wada dharagsan yahay ee caadiga ah ee dugsiyada lagu dhigo. Waxaan rabaa inaan si qotodheer u lafagurno maskaxdii iyo matoorkii ka dambeeyay guusha SYL. Haddaba qodobbada aan ku dul istaagayno sadarradeena soo socdo waxaa ka mid ah:
- Sidee bay u maareeyeen dhaqaalahooda iyagoon cidna gacanta u fidin?
- Sidee bay u dhiseen sirdoon shacab oo ka dhex shaqeeya xaafadaha iyo xafiisyada gumaysiga?
- Sidee bay 13 dhallinyaro ah, oo aan haysan telefishin, raadiye, ama baraha bulshada, ku gaareen in farriintoodu ay gaarto miyi iyo magaalo?
- Maxayse tahay casharka ay ka baran karaan dhallinyarada maanta ee haysta internedka iyo baraha bulshada iyo agab kasta oo wax suuraggalin kara, balse weli raadinaya jihadii midnimada?
Maqaalkan, waxaynu ku qaadaadhigaynaa istaraatiijiyaddii SYL, annagoo ka eegayna nidaamkoodii xeeladaysnaa ee lagula tacaalayay gumaysiga iyo qabyaaladda. Waxaynu adeegsanaynaa xigashooyin aan soo ururinnay iyo baaritaanno dhab ah, si ay noogu soo baxdo sheeko ka duwan sheekooyinkii caadiga ahaa ee SYL ku saabsanaa ee dhegaha dadka ku dhici jiray.
Dawlad-hoosaad Dahsoon
Baaritaannada casriga ah ee lagu sameeyay nidaamkii SYL, waxay muujinayaan in ururku uu dhisay nidaam loogu yeero dawlad-hoosaad qarsoon oo ka dhex shaqaynayay maamulkii gumaysiga. Dadkaas ku dhex beernaa xafiisyadii gumaysiga ma ahayn uun inay xogta keeni jireen, balse waxay gaareen heer ay faro-geliyaan go’aannada gumaysiga, iyaga oo adeegsanaya farsamooyin doqon-magarato ah. Sarkaal sirdoon oo Biritish ah oo la dhaho Major A.S. Pankhurst, ayaa ku qoray buuggiisa “Ex-Italian Somaliland” oo la baahiyay sannadkii 1951: “Ururka SYL wuxuu lahaa laan sirdoon oo layaab leh. Karraaniyiinta Soomaaliyeed ee xafiisyadayada u fadhiya waxay ahaayeen kuwo daacad u ah ururkooda in ka badan intay noo ahaayeen. Amarrada aan soo saarno waxay gaari jireen xarunta ururka kahor intaanan saxiixin.”
Bishii Nofeenbar 1947dii, markii guddigii afargeesoodka ahaa ay imanayeen Muqdisho, SYL waxay horay u haysay dhammaan ajandayaashii sirta ahaa ee gumaysigu rabay inuu ku huriya qabaa’ilka, si looga soo horjeesto xornimada.
Sidoo kale, gumaysigu wuxuu adeegsaday wax loogu yeero Borobogaando, si uu u tuso in Soomaalidu tahay dad aan is xukumi karin. SYL waxay ku jawaabtay xeeladda Qabyaalad-nacaybka. Aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga siyaasadda ee Saadia Touval, oo u dhashay dalka Yuugoslaafiya oo maanta ah dalka Kroeeshiya, asalkiisuna yahay Yuhuudi ayaa ku xusay buuggiisa caanka ah ee “Somali Nationalism” oo la daabacay sannadkii 1963: “SYL waxay ku guulaysatay inay qabyaaladda u beddesho wax laga xishoodo. Waxay dhiseen nidaam qofka ka dhigaya inuu dareemo in waddaniyadu ay tahay heerka ugu sarreeya ee ilbaxnimada, halka qabiilku yahay dib-u-dhac.”
Xeeladda qabyaaladnacaybka waxay ahayd silsilad lagu furfurayo fikirka xagjirka ah ee qabiilka. Sannadkii 1948, xilligii kacdoonkii “Ha Nolaato,” SYL waxay adeegsatay suugaan iyo khudbado lagu magacaabay “Dhimashada Qabyaaladda” si looga hortago sheekada gumaysiga ee la soo dhexmarinayay odayaal dhaqameedyada la iibsaday.
Sidoo kale, maqaallo badan oo laga qoray doorka haweenka ayaa muujinaya in haweenku ay ahaayeen kuwa indhaha ku haya dhaqdhaqaaqa gumaystaha. Professor Mohamed Haji Mukhtar, ayaa ku qoray maqaalkiisa “The Emergence and Role of Political Parties in the Inter-River Region of Somalia” oo la baahiyay sannadkii 1989: “Haweenka Soomaaliyeed waxay SYL u ahaayeen isha ugu weyn ee xogta. Waxay dhex gali jireen xeryaha ciidanka gumaysiga iyaga oo iska dhigaya kuwo caano iibinaya, waxayna keeni jireen xog sugan oo ku saabsan tirada ciidanka iyo goobaha ay ku wajahan yihiin.”
Bishii Oktoobar 1949, markii Qaramada Midoobay ay ka doodayeen masiirka Soomaaliya, haweenka Muqdisho waxay dhiseen shabakado sirdoon oo farriimaha u kala gudbiya unugyada qarsoon ee ururka, si looga warhayo dhaqdhaqaaqa ciidanka Talyaaniga ee raba inay caburiyaan mudaaharaadyada.
Markaan eegno nidaamkan, casharka ugu weyn ee aan ka baran karno maanta waa: Si aad u jebiso fikir kasta oo khaldan waa inaad marka hore dhisataa sirdoon shacab oo ku dhex milan bulshada, kadibna aad keenta sheeko ka duwan midka jira oo midnimo iyo is-aqoonsi ku dhisan.
Warbaahin Aan Hirar Gaagaaban iyo Kuwo Dhaadheer Midna Lahayn
Bishii Maaj 1943, xubnihii aasaasay SYL waxaa hor yaallay caqabad weyn. Taas oo ahayd sida loola hadli lahaa shacab 95% miyi deggan, aan waxna qorin waxna akhrin, isla markaasna aan haysan telefishin, raadiyow, ama wargeysyo madaxbannaan. Waxay hindiseen nidaam isgaarsiineed oo ku dhisan hiddaha iyo dhaqanka, kaas oo gumaysigu u waayay hab uu ku caburiyo ama ku joojiyo.
Suugaanta, gaar ahaan gabayga, buraanburka, iyo heesta, waxay ahaayeen aaladda kaliya ee xogta lagu kaydiyo laguna faafiyo. Gabaygu ma ahayn oo kaliya madadaallo, wuxuu sidoo kale ahaa xog buuxda oo la isu gudbiyo. Markii SYL ay soo saarto farriin cusub, waxaa loo dhiibi jiray gabyaaga ururka. Gabaygaas oo xambaarsan farriin siyaasadeed sida midnimada ama diidmada canshuurta gumaysiga ayaa waxaa xifdin jiray dadka socotada ah iyo kuwa degaannada kala duwan u kala goosha. Professor Said S. Samatar, ayaa ku qoray buuggiisa caanka ah ee “Oral Poetry and Somali Nationalism” oo la baahiyay sannadkii 1982: “Gabaygu wuxuu Soomaalida u ahaa ‘Mass Media’. Markii gabay lagu tiriyo Muqdisho, waxaa looga celin jiray fagaarayaasha magaalooyinka fogfog, sida Gaalkacyo ama Jigjiga muddo maalmo gudaheed, iyadoo dadku ay u faafinayeen sidii mowjadaha raadiyaha.”
SYL waxay adeegsatay nidaamka wadaxiriirka baahsan ah (horizontal communication), halkaas oo xubin kasta uu ahaa idaacad iskeed u socota oo farriinta gaarsiisa qofka ay isku heerka yihiin, taas oo meesha ka saartay baahidii loo qabay qalab isgaarsiineed oo heer sare. Bishii Abriil 1947, xilli ururku uu isu diyaarinayay imaanshaha Guddiga Afargeesoodka, waxay dejiyeen nidaam ah in xubin kasta oo ururka ka tirsan uu u qaabilsan yahay 10 qof oo kale. Tani waxay sahashay in hal habeen gudaheed farriin lagu gaarsiiyo kumanaan qof iyada oo aan hal waraaqo la qorin.
Taariikhyahanka Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ayaa ku xusay buuggiisa “Taariikhda Soomaaliya” oo qaybo kamid ah la baahiyay sannadkii 1976: “SYL ma lahayn raadiye, balse waxay lahaayeen ‘Codka Shacabka’. Farriimaha ururka waxaa lagu kala qaadan jiray goobaha ay dadku isugu yimaadaan sida Masaajidda, Ceelasha biyaha, iyo Shirarka reer miyiga, taas oo ka dhigtay mid aan gumaysigu xannibi karin.”
Markii gumaysigu uu bilaabay inuu adeegsado raadiyaha sida Radio Mogadishu, si uu dadka u kala qaybiyo, SYL waxay billowday raadiyow shacab oo ku dhisan heesaha waddaniga ah. Tusaale, Heesta caanka ah ee “Soomaaliyeey Toosa” oo qoraalkeedii ugu horreeyay soo baxay qiyaastii 1947, waxay ahayd mid ka kooban casharro ku saabsan taariikhda, dhibaatada gumaysiga, iyo muhiimadda midnimada. Heestaas waxay gaartay miyi iyo magaalo, waxayna beddeshay habfikir badan oo qabyaalad ku dhisnaa.
Bishii Janaayo 1948dii, xilligii kacdoonkii “Ha Nolaato,” farriintii lagu abaabulayay dadka waxay ku faaftay guud ahaan gobollada koonfureed muddo kooban, iyadoo SYL ay u adeegsatay nidaamka uu qofba qofka kale u gudbinayay xogta, taas oo keentay in warku gaaro miyi iyo magaalo iyadoo aan la adeegsan idaacad ama wargays, taas oo aad uga dheeraysay farriimihii gumaysiga.
Haddaba, Dhallinyarada maanta ee haysta internedka, Fiber Optic-ga, iyo baraha bulshada, SYL waxay u haysaa cashar weyn oo ah: “Aaladda isgaarsiintu maaha waxa guusha keena, balse waa nuxurka farriinta iyo sida uu u aaminsan yahay qofka faafinaya. Haddii farriintu ay tahay mid dadka ka turjumaysa, uma baahna satalaayt iyo mowjado raadiye oo heer sare, si ay u gaarto meel kasta.”
Madaxbannaani Dhaqaale
Bishii Maarso 1943, 13kii dhallinyaro ee yagleelay SYL waxay fahmeen mabda’a weyn oo ah: “Qofkii quudkaaga haya ayaa qaraarkaagana haya.” Si looga fogaado in ururka la iibsado ama gumaysigu u adeegsado dhaqaale si uu u weeciyo hadafka, waxay dhiseen nidaam maaliyadeed oo ku dhisan isku-fillaansho dhab ah. SYL waxay ahayd ururkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo si nidaamsan u ururiya qaaraanka. Lacagtaas yar ee joogtada ah ayaa dhistay khasnadda ururka, waxayna meesha ka saartay inay cid kale gacanta u fidiyaan.
Mar kale Professor Mohamed Haji Mukhtar, ayaa ku qoray buuggiisa “Historical Dictionary of Somalia” oo soo baxay 2003: “Dhaqaalaha SYL wuxuu gabi ahaanba ku tiirsanaa tabarucaadka xubnahooda. Ganacsatada, shaqaalaha dawladda, iyo xitaa dadka dakhligoodu hooseeyo waxay bixin jireen qaaraan joogto ah, taas oo ururka ka dhigtay mid madax-bannaan oo aan cidna gacanta u hoorsan.”
Bishii Diseenbar 1946, markii ururku uu qorshaynayay inuu xafiisyo ka furto gobollada fogfog, waxay dakhliga ka soo ururiyeen xubnaha gudaha, iyagoo diiday deeqo uga yimid maamulkii Talyaaniga ee xilligaas rabay inuu saamayn ku yeesho ururka. Maadaama aan la haysan dhaqaale xaddhaaf ah, SYL waxay isticmaashay awoodda shaqaalaha. Xafiisyada ururka ee laga furayay gobollada dalka looma iibsan jirin qalab qaali ah; xubnaha ayaa keeni jiray kuraasta, miisaska, iyo guriga lagu shaqaynayo.
Taariikhyahanka Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ayaa ku qoray buuggiisa “Taariikhda SYL”: “Xubnaha SYL waxay ahaayeen kuwo naftooda iyo maalkoodaba u hura ururka. Qofka xafiiska furaya isagaa bixin jiray kirada ama gurigiisa u rogi jiray xafiis, isagoo aan wax lacag ah ka sugin xarunta dhexe.” Tusaale, bishii January 1948, markii ururku isku diyaarinayay kacdoonkii weynaa ee “Ha Nolaato,” ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho waxay dhiseen “Sanduuq Gurmad” ah oo qarsoodi ah, kaas oo lagu maalgeliyay mudaaharaadyadii iyo daryeelka dadkii ku dhaawacmay dibadbaxyadii.
SYL waxay fahansanayd in kaalmadu tahay dabin. Bishii Nofeenbar 1949, markii Qaramada Midoobay ay ka doodayeen masiirka Soomaaliya, waxaa jiray isku-dayo dhaqaale lagu siinayay xubnaha SYL, si ay u oggolaadaan qaar kamida ajandayaasha gumaysiga u danaynayay, balse hoggaanku ayaa diiday.
Taariikhyahankii Biritishka ahaa ee I.M. Lewis, ayaa ku xusay buuggiisa “A Modern History of Somalia” oo la daabacay 1965: “SYL waxay si adag u diiday inay gacanta u fidiso gumaysiga ama quwadaha kale, iyagoo u arkayay in kaalmada dibadda ay tahay silsilad kale oo lagu addoonsado rabitaanka dadka.”
Markii guddigii afargeesoodka ahaa ay weydiiyeen hoggaanka SYL sannadkii 1948 halka ay lacagta ka keenaan, waxay ugu jawaabeen: “Lacagtan waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed, iyagaa iska soo ururiyay si ay xornimadooda u iibsadaan.”
Haddaba, dhallinyarada maanta ee inta badan sugaya mashaariic dibadda laga maalgaliyo si ay u fuliyaan isbeddel, SYL waxay u haysaa cashar dahabi oo ah: “Haddii aad rabto inaad lahaato go’aan madax-bannaan, waa inaad marka hore yeelataa dhaqaale madax-bannaan. Isku-fillaanshaha maaliyadeed waa gidaarka kaa difaaca ururka in la iibsado ama laga weeciyo hadafkiisa dhabta ah.”
Bishii March 1943, 13-kii dhallinyaro ee yagleelay SYL ma ay haysan wax kamid ah agabka ay dhallinyarada maanta u arkaan inay fure u yihiin isbeddelka. Ma jirin internet, ma jirin baraha bulshada, xitaa ma jirin aqoonsi rasmi ah. Haddaba, sidee bay 83 sano kahor u ruxeen adduunka, halka dhallinyarada maanta ay weli raadinayaan jihadii midnimada?
SYL waxay fahansanaayeen in internedka iyo baraha bulshada ee maanta la haysto ay yihiin uun Aalado, balse aanay ahayn Hadafka rasmiga ah. Casharka weyn waa in hadafku uu ka horreeyo aaladda. Professor David D. Laitin, ayaa ku qoray buuggiisa “Politics, Language, and Thought: The Somali Experience” oo la baahiyay sannadkii 1977: “Guusha SYL salku kuma hayn qalab ay haysteen, balse waxay ku dhisnayd awooddooda ay ku midayn kareen dad kala fog, iyaga oo adeegsanaya hal farriin oo qof kastaa dhuuxay. Waxay beddeleen maskaxda dadka kahor intaysan beddelin maamulka.”
Dhanka kale, 13kii wiil waxay isku dhaarsadeen masiirka ummadda. Dhallinyarada maanta waxay u baahan yihiin inay ka gudbaan halganka baraha bulshada uun ku eg oo ay u guuraan wada-shaqayn dhab ah oo ka baxsan shaashadaha. Tusaale, markii SYL ay unugyada ka dhisayeen gobollada, waxay ku dhisaayeen kalsooni qofba qofka kale u qaadayay. Maanta, dhallinyaradu waxay ku lumiyaan wakhti badan doodo aan miradhal ahayn, taas oo sii fogaysay midnimada.
Sida lagu xusay maqaalka cilmi-baarista ah ee “The Somali Youth League: A Study in Political Development” oo la baahiyay bishii Diseenbar 1960 ee ku soo baxay majalladda The Journal of Modern African Studies: “Dhallinyaradii SYL waxay dhiseen urur ka madaxbannaan dano shaqsi iyo mid qabiil. Xubnuhu waxay dareemayeen inay qayb ka yihiin wax iyaga ka weyn, taas oo ahayd sirta ay ku fashiliyeen isku-dayadii gumaysiga.”
SYL waxay qabyaaladda u arkayeen gumaysi labaad. Maanta, casharka SYL nooga tagtay waa in horumarku billawdo markii la aaso “Reer Hebel” laguna beddelo “Qaran Hebel.” Taariikhyahan Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ayaa ku xusay xusuusqorkiisa: “SYL waxay tustay Soomaalida in markii qofka uu iska saaro heeryada qabiilka, uu noqonayo mid aan la jabin karin.” Maanta dhallinyaradu waxay haystaan tignoolajiyad, balse waxay u baahan yihiin garaadkii SYL si ay u isticmaalaan.
Gunaanadkii, siddeetan iyo saddex sano ka dib, SYL noogama dhiman diiwaanno taariikheed oo kaliya, waxay se nooga tagtay habdhismeed shaqaynaya oo haddii aan dib u baarno, kuna salayno duruufaheena, aynu ku xallin karno caqabadaha maanta. Dhallinyarada maanta waxay u baahan yihiin inay dib u furaan buuggii SYL, iyaga oo ka dhex akhrisanaya:
· Dhismaha midnimo ku dhisan kalsooni dhab ah.
· Yagleelidda hannaan dhaqaale oo madaxbannaan.
· Abuuridda fikir ka xoog badan kan cadowga.
Haddii 13kii dhallinyaro ee SYL ay dalka ka samatabixiyeen gumaysiga, iyagoo socodbarad ah oo aan haysan dhaqaale buuran iyo tignoolajiyad casri ah, maxaa hortaagan dhallinyarta maanta ee dunidu u fududaatay ee aqoon iyo isgaarsiinba haysta?