U bood dhigaalka

Dilka Argaggaxiye Al-Minuki: Tiirdhexaadkii Argaggaxisada Daacish ee Afrika oo la Siibay

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Maajo 16, 2026

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dunida uga yaabsaday kudhawaaqista hawlgal aad loo qorsheeyay oo guul ku soo dhammaaday, kaas oo ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo kuwa Nigeria ay si wadajir ah ugu khaarajiyeen ninka labaad ee ugu sarreeya kooxda argaggaxisada ah ee Daacisha ama Islamic State of Iraq and Syria (ISIS). Sida uu Trump ku sheegay bartiisa “Truth Social”, hawlgalkan oo xalay la fuliyay wuxuu ahaa mid si weyn loo qorsheeyay oo lagu dilay horjoogahan aaminsanaa inuu ku dhuuman karo qaaradda Afrika.

Horjoogahan xalay la dilay wuxuu lahaa magacyo badan oo uu ku hawlgali jiray. Magaciisa rasmiga ah ee diiwaanka sirdoonka ugu qorani waa Abu Bakr ibn Muhammad ibn Ali al-Mainuki. Balse kooxda dhexdeeda iyo warbaahinta waxaa looga yaqaanaa magacyada kala ah: Abu Bilal al-Minuki, Abubakar Mainok, iyo Abor Mainok. 

Argaggaxiye Al-minuki wuxuu dhashay sannadkii 1982kii, isagoo ku dhashay degaanka Mainok ee gobolka Borno, ee waqooyiga dalka Nigeria. Sababta “Al-minuki” ay kooxda argaggaxisada ah ee Daacish ugu bixisay, waa degaanka uu ku dhashay ee uu ka soo jeedo oo loogu magacdaray, waa sida Axmed-Godane oo kooxda argaggaxisada ah ee Alshabaab (AS) ula baxday Al-Hargaysaawi. Haddaba, Al-minuki wuxuu aqoon durugsan u lahaa cilmiga dhaqaalaha iyo fanka millatariga. Si aad u fahanto sheekada Al-minuki, waxaa qasab nagu ah inaan dib u yara raacno sooyaalka kooxda Booko Haraam oo markii danbe bayco la gali doonta Daacish, haddana kala jabi doonta. 

Sooyaalka Boko Haram

Wadaad 32 jir ah oo u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabi jiray Mohammed Yusuf ayaa bartamaha 2002-dii ku dhawaaqay kooxda Jama’at Ahl As-sunnaha Lid-da’wah Wal-jihaad. Xarun diimeed aad u weyn oo isugu jirta masjid weyn iyo iskuul la yiraahdo Ibn Taymiyyah Compound oo ku yaalla caasimadda gobolka Borno ee magaalada Maiduguri ayuu Mohammed Yuusuf kaga dhex-dhawaaqay kooxda. Sababta ugu weyn ee aasaaska waxay ahayd in lala dagaallamo musuqmaasuqa dawladda iyo nidaamka dimuqraadiyadda, iyadoo la rabay in la hirgeliyo ku-dhaqanka shareecada Islaamka. 

Kooxda ayaa ku billaabatay nidaam dacwo ah oo nabadeed iyo urur diimeed ka hor inta aysan hubka qaadan. Waxay dacwo iyo waxbarasho u fidiyeen ardayda ka kala yimaado afarta dal ee kala ah: Chad, Niger, Cameroon iyo dalka martida loo yahay ee Nigeria. Ardaydaas ayaa isugu jiray kuwa jaamacadeed, kuwa iskuul iyo kuwa aan dhigan nidaamka waxbarashada casriga ah. Kooxda ayaa faafinaysay fikirka ah inaan la baran waxbarashada casriga ah, laguna dhaqmin nidaamka reergalbeedka. Waana halka uu ka imaaday magaca Boko Haram.

Boko Haram ma aha magac ay kooxdu iyada isku taqaano oo isugu yeerta. Waxaa u bixiyay dadka deegaanka ee weliba ku hadla luuqadda Hausaha, iyada oo loola jeedo “Waxbarashada reer Galbeedku waa reebban tahay ama waa xaaraan”, sababtoo ah kooxdu waxay si adag u mucaaraday aqoonta casriga ah ee reer Galbeedka.

Toddobo sano oo ay dacwad iyo fikirfaafin ku jireen kooxda ayaa sannadkii 2009 waxaa billowday xiisad ba’an, taas oo dhexmartay xubnaha kooxda iyo booliska Nigeria. Xiisadda ayaa ka billaabatay kadib markii boolisku ay xireen qaar kamid ah xubnaha kooxda oo diiday inay xirtaan koofiyada mootada, iyaga oo ku jira aaska xubin ka tirsanaa kooxda. Xiisaddii ayaa cirka isku shareertay, midaas oo dhalisay in bishii July 2009 ay taageerayaashii Mohammed Yusuf qaadaan weeraro hubaysan oo aargoosi ah, iyagoo gubay xarumaha booliska iyo dhismayaasha dawladda ee ku yaalla waqooyiga Nigeria.  

Dawladda ayaa uga jawaabtay rabshadahaas inay weerarto xaruntii kooxda ee Ibn Taymiyyah oo ay soo qabato Mohammed Yusuf. Isla maalintii la qabtay asaasihii iyo hoggaankii kooxda ayay dawladda horay ka dishay, midaas oo kooxda jidkii nabadda iyo dacwada ee ay ku socdeen ka beddeshay.

Ka dib markii la dilay Mohammed Yusuf, kooxdu waxay muddo dhawr bilood ah gashay dhuumasho iyo aammusnaan, midaas oo dawladdu u malaysay inay ka adkaatay oo xallisay arrinkii. Balse waxay si kedis ah u soo labakaclaysay bishii September 2010, iyadoo uu hoggaanka u hayo Abubakar Shekau. Shekau wuxuu si buuxda u baabi’iyay nidaamkii dacwada, isagoo kooxda u beddelay urur argagixiso oo caalami ah oo adeegsada qaraxyo, ismiidaamin, iyo gumaadka shacabka.

Dhacdadii ugu weynayd ee dunida oo dhan ka naxsisay, sumcad-xumane u soo jiiday kooxda waxay ahayd Afduubkii Gabdhaha Chibok oo dhacay habeenkii April 14, 2014. Dagaalyahanno hubaysan oo ka tirsan Boko Haram ayaa weeraray dugsi dumar oo ku yaalla magaalada Chibok ee gobolka Borno, iyagoo habeen qura ku afduubtay 276 gabdhood oo arday ahaa. Amiirka kooxda, Abubakar Shekau ayaa muuqaal uu soo saaray ku sheegay in gabdhahaas uu ula dhaqmi doono sidii addoon suuqa lagu iibiyo, wuxuuna dalbaday in dawladda Nigeria ay si furan u siiso lacago madaxfurasho ah iyo in la siiyo maxabiis kooxda oo xirnayd.

Dhacdadani waxay dhalisay olole weyn oo dhanka baraha bulshada ah oo loogu magac daray #BringBackOurGirls, kaas oo ay qayb ka noqdeen madaxda adduunka iyo dadka caanka ah. Sannadihii xigay, dawladda Nigeria oo kaashanaysa daryeelka caalamiga ah iyo wadahadalo qarsoodi ah ayaa ku guulaysatay inay dib u soo furato in ka badan 100 gabdhood. Qaar kale oo badan ayaa ka soo baxsaday kaymaha kadib markii ay kooxda la kulantay duqaymo badan, halka qaar badanna lagu khasbay inay guursadaan dagaalyahannada kooxda. Illaa maanta oo aynu ku jirno sannadka 2026, weli waxaa jira gabdho la la’ yahay oo la rumaysan yahay inay duqaymaha ku dhinteen ama dileen ama kamid noqdeen iyada.

Baycadii Daacish iyo Doorkii al-Minuki

Ka dib markii ay kooxda la kulmeen culays ciidan iyo go’doon caalami ah, Abubakar Shekau wuxuu bishii March 2015 bayco (ballan-qaad daacadnimo ah) u diray hoggaamiyihii Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya. Tani waxay keentay in magaca kooxda loo beddelo Islamic State West Africa Province (ISWAP). Haddaba, Al-minuki waxa uu kooxda ku soo biiray marka ay u wareegtay Daacish oo ay magaca beddelatay.

Sannadkii 2016, kooxda argaggaxisada ah ee Daacish waxay ka xumaatay habdhaqanka aadka u daran ee Shekau. Waxay xilka ka qaadeen Shekau, waxayna magacaabeen Abu Musab al-Barnawi oo ah wiilkii uu dhalay asaasihii kooxda Mohammed Yusuf. Haddaba Al-Minuki wuxuu xilligaas la saftay garabka rasmiga ah ee ISWAP, isagoo kahor yimid Shekau oo dib u qaatay magacii Boko Haram, lana goostay dagaalyahanno. Haddaba waa halkan, meesha uu ku soo caanbaxayo Al-minuki, maadaama uu u dhowaaday hoggaanka cusub isagoo noqday maskaxda maamusha istiraatiijiyadda militariga iyo saadka isbeddelkaas ka dhashay.

Kalaqaybsankii bishii August 2016 kadib, waxaa gobolka ka qarxay dagaal dhiig badan ku daatay oo dhexmaray labada koox, halkaas oo Al-Minuki uu door weyn ka qaatay daciifinta garabka Shekau iyo Boko Haram. Kadib shan sano oo uu dagaal goosgoos ah ka socday gobolka Borno, Al-Minuki wuxuu dhisay nidaam maaliyadeed oo awood u siiyay ISWAP inay soo iibsato hub casri ah, taas oo keentay in bishii May 2021 ay weerar weyn ku qaadaan fariisinkii Boko Haram ee kaynta Sambisa. Weerarkaas oo uu Al-minuki agaasimay wuxuu ku dhammaaday in la go’doomiyo Abubakar Shekau, isagoo diiddan inuu isku dhiibo ISWAP-na uu isku qarxiyay jaakad qarax ahaa oo uu haystay, May 19, 2021.

Dhimashadii Shekau ka dib, bishii June 2021, Al-minuki wuxuu adeegsaday saamaynta xafiiskiisa maaliyadda ee Maktab al-Furqan si uu u soo xereeyo uuna u qanciyo kumanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsanaa Boko Haram si ay ugu biiraan safka ISWAP. Tani waxay dhalisay in kooxdii hore ee Boko Haram ay gabi ahaanba burburto oo ay u dhimato nidaam ahaan; intii u dhexaysay sannadihii 2023 ilaa 2025, in ka badan 100,000 oo xubnood oo isugu jira dagaalyahanno iyo qoysaskooda ayaa isku dhiibay dawladda Nigeria. Sannadkan 2026, dagaalyahannada yar ee weli ka haray Boko Haram oo magacii u beddeshay Bakura Dije, waxay ku dhuumaalaystaan buuraha Mandara iyo jasiiradaha fog fog, iyagoo wajahaya go’doon iyo dagaal uga imaanaya labada dhinacba ee ISWAP iyo ciidamada dawladda Nigeria.

Al-minuki kaliya kama shaqayn daciifinta iyo ladagaallanka Boko Haram. Sidoo kale, Mamman Nur wuxuu ahaa maskax kale oo qayb ka ahayd isbeddelladii istiraatiijiyadeed iyo kala-qaybsankii kooxda Boko Haram ee sannadkii 2016, isagoo dhisay garabka rasmiga ah ee ISWAP ee ay Daacish aqoonsan tahay, wuxuuna ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan kooxdaas. Nur wuxuu caan ku ahaa inuu ahaa nin raadiya isballaarin siyaasadeed iyo isfurfurid fikireed, halkii la isxirxiri lahaa fikir ahaan iyo ficil ahaan. Waxa uu aaminsanaa in lala saaxiibo dadka deegaanka, si kooxdu kaliya u qabsan dhulka ee quluubta dadkane u hanato. Si kastaba ha ahaatee, hab-dhaqankiisa tanaasulka oggolaa wuxuu sababay in bishii August 2018-kii ay toogasho ku dilaan xubno ka tirsan kooxda oo aad xagjir u ahaa, kadib markii lagu eedeeyay inuu wadahadallo qarsoodi ah la lahaa dawladda Nigeria, gaar ahaan markii uu bishii March 2018-kii siidaayay 104 gabdhahood oo dugsiga Dapchi laga soo afduubtay isagoo aan wax madax-furasho ah ka qaadan dawladda. Waa sida kooxda Alshabaab oo dishay Mahad Karataay, iyaga oo ku eedeeya inuu wadahadallo qarsoodi ah la waday dawladda Soomaaliya.

Dhimashadii Mamman Nur waxay fursad dahabi ah u noqotay Al-minuki, maadaama uu ahaa ninka koowaad ee la tartamayay, isagoo hoggaaminayay garabka aadka u xagjirsan ee ka soo horjeeday isfurfuridda uu waday MammanNur. Al-minuki wuxuu qayb weyn ka ahaa abaabulkii iyo guuxii gudaha ee horseeday in Nur meesha laga saaro, si toos ahna wuxuu ula wareegay booskii hoggaanka gobolka ee uu Nur banneeyay sannadkii 2018-kii. Dallacaaddan kadib, Al-minuki wuxuu si buuxda u qabsaday xafiiska maaliyadda iyo saadka ee Maktab al-Furqan, isagoo meesha ka saaray garabkii dhexdhexaadka ahaa, kooxdana u weeciyey weji xagjirnimo xad-dhaaf ah oo u sahashay inuu awoodda gobolka isku koobo.

Sida lagu xusay warbixin ay daabacday xarunta cilmi-baarista ee GNET Research, Al-minuki wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in ISWAP ay lacago malaayiin doollar ah ka soo xarayso canshuuraha laga qaado kalluumaysiga iyo ganacsiga agagaarka Harada Chad.

Saddex sano kadib, dabayaaqadii 2021, waxaa la dilay hoggaamiyihii guud ee ISWAP, Abu Musab al-Barnawi, iyada oo ay dileen dagaalyahannadii ka soo haray Boko Haram, iyaga oo u aargudaya amiirkoodii Abubakar Shekau. ISWAP, waxay gashay xaalad khalkhal ah oo ay si isdabajoog ah isu beddeleen horjoogayaal dhawr ah oo ay kamid yihiin Malam Bako oo lagu dilay dagaal kooxda iyo dawladda Nigeria dhexmaray, October 2021, Sani Shuwaram oo duqayn lagu dilay March 2022, Abu Ibrahim oo isna duqayn lagu dilay May 2022 iyo Bako Gorgore oo lagu dilay billowga 2026 hawlgal ay dawladda Nigeria qaatay.

Si ay argaggaxisadu uga kabato dilalkaas joogtada ah, waxay Daacish gabi ahaanba beddeshay qaabdhismeedka ISWAP iyadoo meesha ka saartay nidaamkii “Amiirka kaliya ahaa” kuna beddeshay guddiyo wadaaga go’aanka oo ay u bixiyeen guddiga shuurada. Haddaba isbeddelkan cusub wuxuu awood weyn oo buuxda uu siiyay  Al-minuki, maadaama uu isagu ahaa ninka gacanta ku hayay maaliyadda iyo hubka guud ahaan ee gobolka, taas oo aakhirkii u sahashay inuu u dallaco Kuxigeenka Guud ee Daacish ee caalamka.

Cunaqabatayntii Caalamiga ah iyo Dilkiisa

Bishii June 2023, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka (U.S. Department of State) ayaa si rasmi ah Al-minuki ugu dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee Specially Designated Global Terrorist (SDGT). Sida lagu daabacay diiwaanka rasmiga ah ee Federal Register, xannibaaddan ayaa loo cuskaday inuu yahay ninka hagayay istiraatiijiyadda qarsoodiga ah ee maalgelinta unugyada Daacish.

Haddaba, saddex sano ka dib, cunaqabatayntii Maraykanka, waxaa suuragashay in xalay la khaarajiyo Al-minuki. Sida ay qortay warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Abu Bilal Al-minuki lagu khaarajiyey gudaha dalka Nigeria. Warbixinnada sirdoonka ee uu baahiyay POLITICO waxay tilmaamayaan in dilka Al-minuki uu meesha ka saaray khatar weyn, maadaama Al-minuki gacanta ku hayay labo gal oo aad muhiim u ahaa.

Khaarajinta argaggaxiye Abu Bakr ibn Muhammad ibn Ali Al-minuki ee xalay dhacday ma ahan oo kaliya guul laga gaaray ciribtirka xagjirka Galbeedka Afrika, laakiin sirdoonka caalamiga ahi wuxuu u arkaa dhabarjab weyn oo curyaamiyay nidaamka maaliyadeed iyo iskuxirka caalamiga ah ee xafiiska gobollada Daacish (GDP) ee ku baahsan caalamka.