Mucaaradka ayaa ku doodaya in 15ka May 2026 uu ku egyahay muddaxileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo u daliishanaya Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la 2012kii, halka dawladdana ay ku doodayso in muddaxileedka Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah uu ku egyahay 15ka May 2027, sida uu qabo dastuurka cusub ee ay dhowaan ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee JFS. Marka laga yimaado doodahaas isdiiddan, Madaxweynuhu haddii uusan geeriyoon amase uusan iscasilin, isaga ayaa ahaanaya hoggaamiyaha dalka inta laga helayo mid isaga beddela ama dib loogu soo doorto, waana sidii soojireenka ahayd, marka la joogo siyaasadda Soomaaliya. Taas waxa ay ka dhigan tahay in 16ka May uu dalka Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu Madaxweyne Hore Shariif Sheekh Axmed uu dalka u hoggaaminayay muddo toddobo bilood ah marka uu dhammaaday muddaxileedkiisii, Xasan Sheekhna uu 5 bilood oo dheeri ah Madaxweyne u ahaa, Farmaajana uu sannad iyo saddex bilood oo u dhiganta 15 bilood inuu dalka uga talinayay.
Mucaaradka laftigooda waxa ay u muuqdaan kuwa aan ka didsanayn wakhtiga dheeriga ah, marba haddii ay Dawladdu qabanayso nooca doorasho oo ay rabaan. Hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa hore u tibaaxay in aysan rabin doorashadii dadbanayd ee lagu soo caanamaalay, si la mid ahna aysan doonayn midda “qof iyo codka” ah ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, ayna soo bandhigi doonaan nooca doorasho ee ay damacsan yihiin. Goorma ayay soo bandhigayaan doorashada ay rabaan, sideese ugu eedi karaan Madaxweynaha in uu wakhtigiisu dhamaaday, iyada oo aan doorashada lagu heshiin, haddii ay iyaguba wakhtiga oo idlaaday aysan miiska soo saarin nooca doorasho ee ay rabaan?.
Maxaa Dhacay 15ka May?
Shalay oo ay ku beegnayd 15ka May, waxaa dhacay isbeddelo waaweyn oo saamayn taban ku yeeshay waanwaantii u dhexaysay mucaaradka iyo dawladda. Waxaa natiijo la’aan iyo isfahanwaa ku soo idlaaday kulankii xal-u-raadinta doorashooyinka oo ay soo qabanqaabiyeen Beesha Caalamka. Mucaaradka ayaa “Madaxweyne Hore” u aqoonsaday Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna fidiyeen ‘gogol aayakatashi ah’. Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa markii ugu horraysay goob fagaare ah kaga dhawaaqay in muddaxileedka hay’adaha dastuuriga ah uu yahay 5 sano, oo ku eg 15ka May 2027; iyo in “doorasho qof iyo cod ah” dalka laga qaban doono oo aan teendhada loo laaban doonin.
Maxaa Xigi Doona 15ka May?
Inta aan la oddorosin waxa xigaya 15ka May, marka ugu horraysa maxaa keenay mucaaradka in ay dagaallamaan marka uu dhammaaday muddaxileedkii Madaxweyne Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse aysan dagaal iyo abaabul ciidan midna samayn labadii xilli ee ka horraysay ee Xasan Sheekh Iyo Shariif Sheekh Axmed? Madaxweyne Hore Farmaajo waxa uu ku dhiiraday in uu muddakororsi laba sano ah ku dhawaaqo iyo in uu beddelo nooca doorasho ay heshiiska lagu haa, isaga oo sheegay in “doorasho qof iyo cod” ah uu qaban doono. Marka ay taagan yihiin sababihii kal hore horseeday diidmada, is-hortaagga iyo kala-irdhowga, waxa la filan karo in ay dhacaan 15ka May kadib waa:
- Khalalaase: Marka wakhtiga uu dhammaado, doorasho heshiis lagu yahayna aysan jirin, waxa ugu horreeya ee durba maankaaga ku soo dhacaya waa ‘khalalaas’e, waxaana ugu wacan habfikirka Soomaalida ee ku dhisan nabaddu in ay timaaddo dagaal dabadiis. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahdo “nabad la tuugay nabad maahan”; mid kale ayaa tiraahda “nin aysan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo.” Haddaba, yaa abuuri doona khalalaasaha?
- Ismuujinta Mucaaradka: Labo siyaaloodba mucaaradka waxa ay ku kallifi doonaan in ay sameeyaan khalalaase. Tan kowaad: mucaaradkan iyo kuwii hore waxa ay wadaagaan inay khalalaasaha iyo rabshadaha u arkaan inuu awoodooda iyo miisaankooda siyaasadeed sare u qaadayo, si la mid ahna tan dawladda uu hoos u dhigayo, meeshana ay imaanayso gacan seddexaad oo Beesha Caalamka ah, iyagoo aaminsan in “qaylo gar dhowayso!” Arrinta kale ee mucaaradkan gaarka u ah, sababi doontana in uu ku dhiirrado khalalaase, waa ‘ismuujin’. Afartii sano ee na soo dhaaftay, shacab iyo dawladba, mucaaradkan waxa ay ku dhaliilayeen in uu yahay mid liita oo aan tabar iyo taatiko midna lahayn, cudud ahaan iyo caqli ahaanna aan diyaarsanayn. Dhawr bannaanbax oo ay soo abaabuleen ayay ku guuldarraysteen, oo liin looga dhiijiyay.
- Cadaadiska Dawladda: Dawladda waxa ay horseedi kartaa cadaadis amni oo galaafan kara nolosha dadka Soomaaliyeed. Tan kowaad waa sida ay uga falceliso dhacdooyinka ka imaanaya mucaaradka, hor-istaagidda bannaanbaxyada mucaaradka iyo beegsiga shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan mucaaradka ama qeybaha kale ee bulshada ayaa soo dedejin kara khalalaase amni oo salka ku haya ficillada dawladda. Hore ayay u dhacday xilligii Farmaajo in dawladdii berigaas ay ku fashilantay maaraynta mucaaradka. Kiiskii Jeneraal Saadaq-Joon waxaa kaga filnayd xil-ka-qaadis iyo maamuus-ka-xayuubin oo qura, labadaas markii ay samaysay halkaas ugama harin ee waxa ay go’aansatay in ay beegsato shaqsiyaddiisa, taas oo soo dedejisay in ay dhacdo mushkilad ka weyn middii ay xal u raadinaysay. Sidoo kale, ficillo aan loo meeldayin oo ay ku dhaqaaqdo dawladda ayaa sababi kara kacdoon bulsho oo meesha ka saara dawladda.
- Heshiis: Dhaqan ahaan, Soomaalidu heshiisku waa u dookha labaad. Marka beeluhu ama dhinacyo kale ay arrin isku mari waayaan oo ay foodda isdaraan, marka qof weliba uu falo waxa uu geysan karay, dhallinyaraduna dhamaato, xabaalaha si loonqodo la waayo uun baa heshiis la gaaraa, waana sababta aan heshiiska qodobka labaad uga dhigay. Qolyaha is-haya ee mucaaradka iyo dawladda heshiis ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka in ay gaaraan waa suurtagal. Maxaa lagu heshiin karaa? Doorasho dadban uma muuqato in loo laabanayo oo cid doonaysaa ma jirto, “doorashada qof iyo codka ah” ee dawladda hor boodaysana lama wada qaadan karo, xalka ugu maangalsan ee muuqada waa in doorashada dawladgoboleedyada lagu qabto “qof iyo codka” ee hadda socda, dawladduna ay hesho aqlabiyadda Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, mucaaradkana ay Jubbalaan iyo Buntilaan helaan.
Maxaa dhici kara?