U bood dhigaalka

Qoyskii Nebi Ibraahin: Sida Halganka Qoys u Noqday Tiirka Shanaad ee Islaamka

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Maajo 18, 2026

Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dulxaj keliya ma aha maalmo cibaado, waase maalmo ina xusuusinaya qoys ku caanbaxay jirrabid iyo imtixaan, dhabar-adayg, iyo iimaan. Waana qoyska barakaysan ee Nebi Ibraahin (CS), xaaskiisii Haajira, iyo wiilkooda Nebi Ismaaciil (CS). Malaayiinta Muslimiinta ah ee maalmahan isugu tagaya magaalada Maka, iyo soonka ay malaayiinta kale soomayaan iyaga oo dunida dacalladeeda jooga, ma aha acmaal iska yimid; waase raadadkii ka haray dhididkii, oohintii, go’doonkii saxaraha, iyo guushii weynayd ee qoyskaas saamaynta ku yeeshay masiirka bini-aadamka oo dhan. Tallaabo kasta oo ay qaadeen qarniyo ka hor qoyskaas, ha ahaato dhabar-adayggii hooyo keligeed ah oo taagan meel waaqla’ ah, addeeciddii iyo calool-adayggii wiil dhallinyaro ah, ama go’aankii adkaa ee aabbe naftiisii u huray fulinta amarka Rabbaaniga ah, intaba, waxay maanta u beddelmeen rukunno adag oo hagaya midnimada iyo cibaadada ummadda Muslinka ah.

Maqaalkan wuxuu si faahfaahsan u qaadaadhigayaa tallaabooyinkii uu qoyskaas qaaday, iyo si gaar ah, tallaabo walba siday u noqotay rukun diini, oo waajib ama sunno, ah oo la fuliyo tobankan maalmood. Intaas waxaa dheer, maqaalka waxaa qayb ka ah falanqaynta aqooneed ee dhanka falsafadda tawxiidka, cilminafsiga dhabar-adayga, iyo cilmiga bulshada, innagoo soo xiganayna ilaha ugu mudan ee mawduucan laga qoray, sida u kuurgalidda falsafaddii Søren Kierkegaard iyo buuggiisa “Fear and Trembling” iyo qoraallada tarbiyadeed ee Dr. Ali Al-Sallabi, si ay noogu soo baxdo nuxurka ah: in qoyskii Nebi Ibraahin ay yihiin dugsiga rasmiga ah ee laga barto xorriyadda nafta iyo u hoggaansanka Alle.

Go’doonkii Haajara

Nebi Ibraahin (CS) wuxuu keenay xaaskiisii Haajira iyo wiilkiisii naaska nuugayay ee Ismaaciil dooxada Makka oo markaas ahayd meel saxare ah, oo aan biyo, baad, dad, iyo dhir toona lahayn. Isagoo u hoggaansamaya amarka Alle, wuxuu kaga tagay weel yar oo biyo ah iyo xoogaa timir ah, kadibna waa uu ka dhaqaaqay. Markii Haajara ay weydiisay: “Ma Alle ayaa kugu amray?” Isaguna uu yiri “Haa”, waxay tiri mid kamid ah ereyada ugu awoodda badan ee abid taariikhda iimaanka iyo dhabar-adayga bini-aadamka laga qoro oo ahayd: “Haddaba Alle nama dayici doono!”

Bog kasta oo sooyaalka aadanaha kamid ah oo looga sheekeeyo dhabar-adayg iyo iimaan, kelmaddani waxay u taagan tahay, marka la la akhriyo duruuftii ay Haajiro ku jirtay, mid kamid ah ereyada ugu awoodda badan, ugu mugga weyn, ee qof yiraahdo. Waxay ahayd dharbaaxo weyn oo ku dhacday quusta, iyo baaq ka soo yeeray gunta u hoosaysa ee qalbi si buuxda u rumeeyay awoodda caalamka maamusha. Kelmaddaas ka soo baxday dibnaha hooyo Haajira, iyadoo taagan bartamaha saxaraha, ma ahayn kaliya ereyo  walaaca hooyonnimadu keenay, balse waxay ahayd asalka dhalashada magaalada Maka iyo billowga bulshada Carabta.

Sida uu Dr. Ali Al-Sallabi ku falanqeeyay buuggiisa taariikhda iyo qisooyinka nebiyada ee “Faslu al-Khidhaab fii Siiyyati wa Qisasi al-Anbiyaa” (Bogga 214), hooyo Haajira kuma dhicin niyad-jab iyo argagax, xilligii looga tagay saxaraha baaxadda leh ee Maka, sababtoo ah waxay lahayd ujeeddo ka weyn nolosha oo ah inay ku xirnayd rabbigii sameeyay iyada iyo saxarahaba. Markii ay hubsatay in safarkani yahay amar xagga sare ah oo uusan ahayn go’aan shakhsi ah, waxay muujisay mid kamid ah heerarka ugu sarreeya ee garashada iyo talo-saarashada, taasi oo maskaxdeeda ka ilaalisay in dhibka deegaanka iyo saxarahu ay ku keenaan xaalad-nafsi ah. Al-Sallabi wuxuu caddeeyay in iimaanka Haajira uu ahaa kii beddelay masiirka magaalada, isagoo ka dhigay tusaale nool oo muujinaya in qofka marka uu ku xirmo mabaadi’da adag ee tawxiidka uu ka gudbi karo daciifnimada bini-aadamka, duruufaha qallafsan ee ku xeeranna uu u beddeli karo aasaaska ilbaxnimo weyn, sida taariikhda reer Maka iyo bulshada Carabtaba ay dib u qaabaysay mabda’ adayga Haajira.

Aragtidan diiniga ah iyo dhabar-adayggii Haajira waxaa si buuxda u xoojinaya cilmi-nafsiga casriga ah, gaar ahaan aragtida caanka ah ee “Logotherapy” oo ah dabiibka ku dhisan raadinta macnaha nolosha. Aragtidan waxaa aasaasay dhakhtarkii iyo mufakarkii reer Austria ee Dr. Viktor Frankl, isaga oo ku qoray buuggiisa “Man’s Search for Meaning” (Bogga 104). Frankl wuxuu qeexay in bini-aadanka marka uu haysto mabaadi’ adag, yool fog, iyo macne sare oo uu u nool yahay, uu si dhib yar ula qabsan karo xaaladaha ugu adag, uguna ba’an ee nolosha, asagoo dhibka iyo xanuunka u beddelaya dhiirigelin iyo fursado. Sidaas darteed, hooyo Haajira waxay dhab ahaan u matashay aragtidan cilmi-nafsiga; halkii ay ka quusan lahayd, waxay xaaladdii go’doonka ahayd u beddeshay firfircooni iyo dadaal, taas oo caddaynaysa in dadka leh mabaadi’da ka weyn naftooda ay yihiin kuwa ka badbaada dharbaaxooyinka nolosha, raadkooduna uu noqdo mid waara oo taariikhi ah oo jiilba jiil u gudbiyo.

Markii biyihii ka dhammaadeen Haajira, wiilkii yaraa ee Ismaaciil wuxuu bilaabay inuu haraad dartiis u ooyo. Hooyo Haajira waxay billowday inay si quus iyo rejo isugu jirta ugu oroddo labada buurood ee Safa iyo Marwa dhexdooda, si ay biyo ama dad u aragto, waxayna u orodday 7 jeer. Markii ay daashay, Alle wuxuu soo diray Jibriil, wuxuuna ka soo bixiyay biyaha Samsamka cagaha Nebi Ismaaciil hoostooda.

Orodkii Haajira ee todobada jeer ahaa wuxuu maanta noqday rukniga Sacyiga ee qof kasta oo xajinaya ama cumraysanaya uu waajib ku yahay inuu u kala ordo Safa iyo Marwa. Sida uu Alle ku yiri Suuratul Al-Baqarah (Aayadda 158): “Hubaal, Safa iyo Marwa waxay ka mid yihiin astaamaha Cibaadada Alle.”

Cabbista biyaha Samsamka xilliga acmaasha Xajka waxay noqotay sunno barakaysan, iyadoo Nebigu (NNKH) uu yiri: Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbay/niyaystay.” Tafsiirka rasmiga ah ee xadiiskan wuxuu qeexayaa in biyaha mucjisada ah ee Samsamka ay fuliyaan, una kaalmeeyaan hadba niyadda, baahida, iyo ujeeddada uu qofku u cabbayo, hadday tahay caafimaad, dambi-dhaaf, ama wixii kale oo hawl adduun iyo mid aakhiro ah. Culimada Islaamka iyo baaritaannada casriga ahi waxay tilmaamaan in biyahan ka dhashay dhabar-adaygii hooyo Haajira ay xambaarsan yihiin macdano nafaqo oo dabiici ah, kuwaas oo si dhab ah u dabiiba daalka jirka iyo ruuxda xujayda, iyadoo taasi ay caddayn u tahay in niyadda suuban iyo talo-saarashada Alle ay mar walba keenaan badbaado joogto ah, taas oo muujinaysa in barakada qoyskaas ay illaa maanta ummadda Islaamka u tahay wax ay ka faa’iidaystaan.

Mid kamid ah falanqaynta ugu quruxda badan uguna qotodadheer ee The Abrahamic Paradigm, waxay tilmaamaysaa in kaalinta haweenayda la maamuusay. Maanta, boqorrada, madaxda, maalqabeennada iyo malaayiinta ragga ah ee adduunka jooga, waxay ku qasban yihiin inay ku ordaan oo cagtooda saaraan tallaabooyinkii ay horay u qaaday iyo halkii cagaha dhigaysay hooyo kaligeed ah, horay addoon u ahaan jirtay, sidata wiil yar oo ku dhex go’doonsan bartamaha saxaraha. Waa cashar weyn oo ku saabsan sinnaanta bulshada iyo sida loo maamuusay Haajira.

Go’aankii Gawraca

Sida uu Dr. Ali Al-Sallabi markale ku falanqeeyay buuggiisa taariikhda iyo qisooyinka nebiyada ee “Faslu al-Khidhaab fii Siiyyati wa Qisasi al-Anbiyaa” (Bogga 214), imtixaankii ugu adkaa ee aabbenimo iyo iimaan ayaa la marsiiyay Nebi Ibraahin. Wiilkiisii curad wuxuu dhalay isaga oo 86 sano jir ah, haddana waxaa lagu amray inuu cidlo uga dhaqaaqo. 

Markale, wiilkii oo weynaaday ayaa haddana lagu amray inuu gawraco. Ismaaciil ayaa muujiyay hoggaansanaan iyo dhabar-adayg la yaab leh isaga oo aabbihii ku yiri: “Aabe, samee waxa lagu amray,” asagoo xitaa ka codsaday in indhaha ka xiro, si uusan go’aanka uga laaban markuu arko indhihiisa. Sida ay mufasiriinta waaweyn sida Imaam Al-Tabari ee buuggiisa “Jaamic al-Bayaan” iyo Ibn Kathiir ee “Tafsiir al-Qur’aan al-Cadiim” ku xuseen fasirka Suurada As-Saffat (Aayadda 103-107), mindidii qoorta laga saaray waxay noqotay mid aan waxba goyn karin, oo waxay lumisay awooddii wax goynta, sida dabkii  lagu tuuray Ibraahin uu u gubi waayay oo kale, sababtoo ah ujeeddada amarku ma ahayn dhiigdaadin, ee waxay ahayd tijaabinta rumaynta iyo raadinta macnaha ugu sarreeya ee nolosha oo ah: U HOGGAANSANAAN ALLE OO BUUXDA OO HUFAN.

Alle kor ahaaye wuxuu markaas kaga furtay wiilkii wan weyn oo barakaysan, kaas oo xagga jannada laga keenay si uu u badbaadiyo Ismaaciil. Culimada waaweyn ee mufasiriinta iyo taariikhyahannada Islaamku waxa ay si wadajir ah iskugu raaceen in wankan jannada laga soo bixiyay uu ahaa kii uu horay u bixiyay Haabiil oo ahaa wiilkii Nebi Aadan markii uu qurbaanka rabaaniga ah bixinayay boqolaal sano ka hor. Sida ku xusan buugga caanka ah ee taariikhda adduunka ee “Al-Bidaayah wan-Nihaayah” ee uu qoray Ibn Kathiir iyo “Macaalimut-Tanziil” ee Imaam Al-Baghawi, markii Alle uu Haabiil ka aqbalay qurbaankiisii ugu fiicnaa xoolihiisa, neefkaas ma uu dhiman ee waxaa kor loogu qaaday jannada, halkaasna lagu daajinayay muddo dheer illaa laga soo dajiyay maalinkii Ismaaciil la gawrici rabay, si uu u badbaadiyo. Silsiladdan mucjisada ah waxa ay ina tusaysaa qaddarka iyo qorshaha rabaaniga oo ah; in qurbaankii ninkii suubbanaa ee ugu horreeyay dhulka (Haabiil) uu noqdo badbaadadii saqiirkii suubbanaa ee u hoggaansamay amarka Alle (Ismaaciil).

Dhacdadani waxay dhashay rukniga gawraca ee maalinta Ciidul Adxaa (10-ka Dul-Xaj). Waa sunno weyn oo loogu dhawaado Alle, qaybna ka ah munaasabadda Xajka iyo farxadda ciidda.

Dhanka kale, filosoofkii weynaa ee Kierkegaard wuxuu buuggiisa “Man’s Search for Meaning”  u hibeeyay dhacdadadan. Wuxuu sheegay in Ibraahin uu halkan kaga gudbay heerka caadiga ah ee anshaxa dadka, wuxuuna u gudbay heerka ugu sarreeya ee iimaanka. Ibraahin wuxuu muujiyay in marka jacaylka Alle uu ka sarreeyo wax kasta oo adduunka ah, in markaas uu qofku helayo xorriyad buuxda.

Markii Ibraahin iyo Ismaaciil ay u socdeen fulinta amarka gawraca, Shaydaanka ayaa saddex meelood jidka u galay si uu uga leexiyo amarka Alle, una geliyo shaki iyo baqdin. Ibraahin, Haajira, iyo Ismaaciilba waxay ku tuureen dhagaxaan yaryar si ay u eryaan. Tani waxay dhashay rukniga dhaagax-tuurka ee Mina laga fuliyo maalmaha ciidda 10-ka, 11-ka, 12-ka, iyo 13-ka Dul-Xaj. Xujeydu waxay toddoba dhagax ku tuuraan saddexda meelood ee kala ah Jamaratul Caqabah, Al-Wusta, iyo Al-Sughra, si ay u raacaan sunnihii reer Ibraahin.

Buurta Carafo

Sida ay mufasiriinta iyo taariikhyahannada waaweyn ee Islaamku ku xuseen kutubtooda rasmiga ah, magaca buurta Carrafo wuxuu salka ku hayaa labo riwaayadood oo taariikhi ah oo xambaarsan macnaha iyo magaca buurta. Riwaayadda koowaad, oo ku xusan “Tafsiir Al-Tabari” (Jaamic al-Bayaan) iyo “Tafsiir Ibn Kathiir” iyadoo laga soo xigtay saxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Ibn Cabaas, waxay qeexaysaa inay tahay meeshii uu Nebi Ibraahin (CS) ku bartay dhammaan acmaasha iyo nidaamka Xajka markii uu Jibriil barayay, isagoo markii la weydiiyay “Ma garatay?” ku jawaabay “Haa, waan gartay” (Caraftu)

Dhanka kale, riwaayadda labaad ee ku xusan buugga caanka ah ee taariikhda dunida ee “Al-Bidaayah wan-Nihaayah” ee uu qoray Ibn Kathiir iyo kutubta juqraafiga Maka ee “Akhbaar Maka”, waxay tilmaamaysaa inay buurtu tahay goobtii ay ku kulmeen awoowe Aadan iyo ayeeyo Xaawo ka dib markii dhulka la soo dajiyay, halkaasna ay isku barteen iskuna aqoonsadeen (Ta’aarafaa) ka dib muddo ay is-raadinayeen, taasi oo ka dhigaysa dooxada Carrafo madashii ugu horraysay ee ay ku kulanto ilbaxnimada iyo qoyska bini-aadamka.

Si kastaba, maalinta 9-aad ee Dul-Xaj waa rukniga ugu weyn ee Xajka. Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Xajku waa Carrafo.” Xadiiskan wuxuu caddaynayaa in ku nagaanshaha buurta Carrafo ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee Xajka, iyadoo ay xujaydu xusuusinayso maalintii uu Nebi Ibraahin (CS) ku dhammeeyay barashadii iyo aqoonsigii dhammaan acmaasta Xajka ee uu Jibriil barayay, iyada oo ay ugu muhiimsanayd towbada iyo baryada laga billaabo duhurka illaa qorrax dhaca. Sidaas darteed, taagnaanta buurtaas barakaysan ma aha oo kaliya cibaado dambi-dhaaf lagu raadinayo, balse waa dib u noolaynta isla madashii uu Nebi Ibraahin iimaanka iyo u hoggaansanka kaga guulaystay imtixaankii adkaa, taasi oo xujeyda u noqonaysa dugsi ay dhigtaan iyo inay qaadaan jidkii uu jeexay Nebi Ibraahin.

Dadka aan xajka aadin xanuun ama dhaqaale yari awgeed, waxaa u sunno ah inay soomaan maalintan barakaysan, iyadoo xitaa la dhiirrigeliyay soonka sagaalka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xaj. Soonkan ma aha oo kaliya cibaado ajar lagu raadinayo, balse wuxuu xiriir qotodheer la leeyahay dhabar-adaygii, gaajadii, iyo harraadkii ay soo mareen Haajira iyo Ismaaciil markii looga tagay saxaraha cidlada ah ee Maka ee xilligaas engegnayd. Marka uu qofka Muslimka ah ee gurigiisa jooga uu u soomo Alle dartii, wuxuu si nafsi ah u dareemayaa xanuunkii iyo samirkii qoyskaas ay mareen.

Gunaanad

Tiirka shanaad ee Islaamka iyo tobanka maalin ee u horraysa bisha Dul-xiji ma aha oo kaliya dhawr acmaal oo qofku guto si uu ajar u helo, balse waa farriin nool oo ay tahay qofku inuu ka dhex akhriyo sooyaalka qoyskaas barakaysan ee Nebi Ibraahin (CS). Tallaabo kasta oo maanta laga qaado Maka, ha ahaato orodkii adkaa ee hooyo Haajira, calool-adaygii saqiirkii Ismaaciil, ama go’aan-adaygii aabbe Ibraahin, waxay inoo noqdeen rukunno diini ah oo qofka muslimka ah ka badbaadiya imtixaanka nolosha. 

Halgankii reer Ibraahin wuxuu dunida u reebay cashar ka weyn waqtiga iyo degaanka; wuxuu inoo xaqiijiyay in marka uu qofku si buuxda u aamino awoodda rabaaniga ah, uu go’doonka saxaraha iyo dhibka horyaalla u beddeli karo aasaaska ilbaxnimo weyn oo jiilba jiil u gudbo. Sidaas darteed, maalmaha barakaysan ee Dul-Xaj iyo dabaaldegga Ciiddul Adxaa, waxay inoo yihiin dugsi sannadle ah oo dib inoo xasuusiya in guusha dhabta ah iyo madax-annaanida naftu ay tahay u hoggaansanka dhabta ah ee Alle iyo haysashada mabaadi’ ka weyn adduunyada.