U bood dhigaalka

Xanuunka Ebola oo ku sii faafaya dalal ku yaalla Bariga Afrika

Maajo 23, 2026

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah, taasoo tirada guud ee dadka uu haleelay cudurka ka dhigaysa shan qof, iyadoo saraakiisha caafimaadku ay xoojinayaan baaritaanka iyo dabagalka dadka la xiriiray bukaannada si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in laba ka mid ah kiisaska cusub ay yihiin darawal qaaday bukaan hore looga helay Ebola iyo shaqaale caafimaad oo la tacaalayay bukaankaasi.

Labadan qof ayaa hadda helaya daryeel caafimaad, waxaana lagu ogaaday cudurka intii lagu jiray dabagalka dadka la xiriiray bukaankii ugu horreeyay.

Kiiska saddexaad ayaa ah haweeney u dhalatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), taasoo Uganda soo gashay iyadoo qabta calaamado fudud oo xanuunka la xiriira.

Haweeneydan ayaa markii dambe u safartay magaalada Entebbe ka hor inta aysan isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Kampala u tegin daryeel caafimaad.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in bukaankaasi markii hore xaaladdeedu soo hagaagtay oo ay dib ugu laabatay DRC, balse baaritaanno dambe lagu xaqiijiyay inay qabto Ebola kadib xog ay bixiyeen saraakiil ku lug lahaa safarkeeda.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa dhankiisa ka digay halista sii kordheysa ee cudurka, isagoo qiimeynta khatarta cudurka Ebola ee nooca Bundibugyo kor u qaaday, kuna tilmaamay heer “aad u sarreeya markii la eego gobolka.

Dalka Congo oo ah meesha uu cudurku ka dillaacay ayaa laga soo sheegay ku dhawaad 750 kiis oo la tuhunsan yahay iyo 177 dhimasho oo la xiriirta cudurka, iyadoo xaaladda amni darrada ah iyo yaraanta agabka caafimaad ay caqabad ku yihiin dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fayraska.

Dowladda Uganda ayaa hore u hakisay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee u dhexeeya Uganda iyo Congo, kadib markii la xaqiijiyay kiisaskii ugu horreeyay ee cudurka.

Hay’adaha caafimaadka caalamiga ah ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo cudurka, iyagoo kaashanaya dowladaha Uganda iyo Congo si looga hortago inuu cudurku ku faafo dalal kale oo gobolka ah.