Dowladda dalka Uganda ayaa si degdeg ah u xirtay xadka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kadib markii uu sare u kacay faafitaanka cudurka Ebola ee bariga Congo, isla markaana laga xaqiijiyay kiisas gudaha Uganda ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadku.
Go’aankan ayaa ka soo baxay kulan ay yeesheen kooxda qaran ee ka hortagga Ebola, oo uu hoggaaminayay Madaxweyne-ku-xigeenka Uganda Jessica Alupo.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii la xaqiijiyay in shaqaale caafimaad oo Ugandan ah ay la kulmeen bukaanno ka yimid Congo ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin faafitaanka cudurka 15-kii May.
Mas’uuliyiinta caafimaadka Uganda ayaa sheegay in dalkaas laga diiwaangeliyay toddobo kiis oo Ebola ah, oo uu ku jiro nin 59 jir ahaa oo ku geeriyooday magaalada Kampala 14-kii May.
Dhanka Kenya, Wasiirka Caafimaadka Aden Duale ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay baaritaannada dhammaan xuduudaha dalka, garoomada diyaaradaha iyo meelaha laga soo galo, si looga hortago in cudurku uu gudaha u soo galo.
Waxaa sidoo kale la adkeeyay nidaamyada dabagalka caafimaadka, iyadoo dadka ka imanaya Congo iyo Uganda si gaar ah loo baarayo.
Warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in Mareykanka uu ka fiirsanayo qorshe uu ku dhisayo xarun karantiil iyo daaweyn ah oo laga sameeyo Kenya, taas oo loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee laga yaabo inay la kulmeen Ebola.
Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in iskaashi kasta oo ku saabsan amniga caafimaadka caalamiga ah uu waajib ku yahay inuu waafaqo shuruucda dalka Kenya.
Cudurka Ebola ayaa marar badan ku soo noqnoqday gobolka Harooyinka Weyn (Great Lakes), halkaas oo dhaqdhaqaaqa xuduudaha oo joogto ah uu adkeeyo xakameynta faafitaanka cudurka.