U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Amniga Dalka Yaan La Siyaasadeyn”

Maajo 27, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda farxadda leh ee ciidda carafo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la ilaaliyo dowladnimada dalka, islamarkaana aan la siyaasadeyn arrimaha amniga iyo adeegyada muhiimka ah ee dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag oo ay hareeyeen khilaafaad siyaasadeed, balse loo baahan yahay in laga fogaado tallaabo kasta oo wiiqi karta hay’adaha dowliga ah iyo xasilloonida dalka.

“Dowladnimada aan ilaashano, amniga dalka yaan la siyaasadeyn, dowladnimada oo naga daciifta dhibaatada ay leedahay waan soo aragnay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray kooxaha mucaaradka, isagoo caddeeyay in aan la aqbali karin in hub loo adeegsado qalqalgelinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Wuxuu ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan dimuqraadi ah, si looga fogaado xaalado khatar gelin kara amniga shacabka.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, iyadoo ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo sida lagu heli karo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.