U bood dhigaalka

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Waalidiinta

Ciise Cabdi
Qeybta: Dawladnimada & Arrimaha Bulshada
Juun 1, 2026

Nolosha iyo horumarka ummadaha dunida waxa ay ku xiran tahay dawladda oo ka haqabtirta baahiyahooda oo idil, tan ummadda soomaaliyeedna waxa ay ku xiran tahay waalidiinta soomaaliyeed oo geed dheer iyo mid gaaban u koray si uu u buuxiyaan booska dawladnimada, waana sababta waalidiinta soomaaliyeed ay ugu sugan yihiin xaalado nololeed oo adag.

1da Juun dunida waxa ay ugu astaysan tahay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Waalidiinta, sannad walba maanta oo kale ayaana la qabtaa munaasabado lagu maamuusayo waalidiinta iyo doorka muhiimka ah ee kaga jiraan nolosha aadanaha.

Dareenka Waalidnimo

Waalidnimadu waa mas’uuliyad, daryeel, naxariis, damqasho, jacayl iyo dareen aanu cabbiri karin qof noqday mooyaane. Waa haybad iyo arsaaqad uu Alle siiyo ciddii uu doono oo addoomadiisa ka mid ah. Sidoo kale waa mas’uuliyadda ugu culus ee uu qaado aadanaha. Dabeecadda aadanaha waxaa ka mid ah in qofka dadka ugu dhow ee uu jecelyahay uu ka sii jecelyahay naftiisa, waalidkuse waa qofka kaliya ee doonaya in aad ka saramarto, farxadiisana ka jecel farxaddaada.

Xaqa Waalidka

Xaqa waalidka waa uu fara badan yahay, qofkii guto waa uu ku janno mudan karaa, Kii dayaco se waa uu ku naar mudan karaa.

  • Addeecid

Waalidka waxaa lagu addeecayaa wixii aanan macsi ahayn. Xadiis ayaana ahaa “Alle raali ahaanshihiisa waxa uu ku xiray tan waalidka, caradiisana carada waalidka.” Haddii aad addeeci weyso waxa hubaal ah in uu kuu caroodo, taasna waxa ay keeneysaa in uu Alle sw kuu caroodo oo arrin weyn ah.

  • Ixsaanfalid, Is-hoosaysiin iyo u Ducayn

Suuratul Israa’ aayadaha 23aad iyo 24aad:

"

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا ۝ وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا

Alle SWT waxa uu ina faray in  u gaar yeelno cibaadada, waalidkana aan u asxaan falno, haddii ay agteenna ku gabow baan midkood ama labaduba in aanan eray qadaf ah dhihin aanan kahsan oo kula hadalno hadal wanaagsan. U fidi labadaada waalid gacan dabacsan oo naxariisi ku dheehan tahay, oo dheh: “Rabbbiyow ugu  naxariiso sidii ay iigu naxariisan jireen markii aan dhallaanka ahaa.”

Doorka Waalidka

Waalid waa waalid meel uu doono ha joogee, haseyeeshee waalidiinta Soomaaliyeed waxa ay si gaar ah ugu suntan yihiin naxariis iyo in ay buuxiyaan baahiyaha ubadkooda da’duu doono ha jiree. Dunida kale dhaqan ahaan caawinta waalidka uu ubadkiisa caawinayo waxa ay ku egtahay xilli, kuwa illaa uu ubadka ka qaangaarayo, kuwa kale waxa ay ku egtahay inta uu reer ka dhisanaya, oo maalinta ay reer u dhisaan waxa uu noqdaa qof ka madax bannaan waalidka, balse Waalidiinta Soomaaliyeed waa lafdhabarta nolosheenna, dhalashadeenna illaa iyo dhimashadeenna waxa ay nala garab taagan yihiin tabantaabo, talo iyo duco.

Dhalashada kowaad ee dhallaanka, canqarinta, magac-u-bixinta, huuriska, gardaadinta, hadaaqbaridda, iyo daadahaynta ama socodbaridda ka dib, oo ah doorka ay gaarka la tahay Hooyadu, waxaa xiga tarbiyaynta kowaad oo ah tan qoyska, waana midda keenta in habdhaqanka qofka loo tiiriyo qoyska uu ka soo jeedo. Qur’aan iyo axaadiista midna si toos ah uma fahmi karo ilmaha da’daas jiro, sida kaliya ee uu ku fahmi karo waa in qoyskaas ay ku dhaqmaan diinta, cunugga yari hadal iyo ficillada uu arkayo ayuu wax ku fahmayaa xilligaas. Marka uu soo yara hanaqaado waxaa is waafaqaya dhaqankii uu ku soo caqliyaystay ee wanaagsanaa macnaha Qur’aanka iyo axaadiista.

Marka la gaaro tarbiyaynta qalabaysan ee waxbarashada, ubadka waalidkiisa u nool yihiin awoodaanna in ay ka bixiyaan qarashaadka waxbarashada ayaa u dareera dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha, Waxa ay kaa dhiibaan caymis (qaaraan), waxa aad geysato iyaga ayaa dhabarka u rita, waxa laguu geystana u shafgaraacda. Sannado badan oo halgan waxbarasho ah ka dib, waalidka waxa uu mar kale kula baadigoobayaa fursad shaqo, ama uu  u tafaxeedanayaa in uu kuu abuuro fursad ganacsi hsddii uu awoodo, ka qeybqaadashada unkidda qoyskaaga, iyo talasiinta iyo habka barbaarinta ubadka aad dhasho.

Fahanka Dhabta ah ee Doorka Waalidka

Inkastoo doorka waalidka uu ka ballaaran yahay inta aan sare ku soo xusnay, hase ahaayee waxaa si dhaba u fahmi kara qofka aanan helin daryeelka iyo naxariista waalidka. Qoysaska burburay, kuwa Alle ka jeclaaday waalidkooda iyo kuwa kala irdhoobay. Carruurta nolosha ka dhacay ee jiifa jidadka waaweyn magaalooyinka, balwadduna dilootay, kuwa dad kale ay soo koriyeen ee lagula kacay tacaddiyada, iyo kuwa ladan ee ku nool nolosha sare waa isku dawlad, marka laga yimaado qoraalka Eebbe waxa ay eersadeen waalid.