Daraasado caafimaad oo cusub ayaa muujiyay horumar weyn oo laga sameeyay daaweynta kansarka, kaddib markii cirbad cusub oo lagu magacaabo Amivantamab la ogaaday inay keeni karto natiijooyin lagu tilmaamay kuwo aan hore loo arag.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Guardian ayaa sheegtay in cirbaddan oo lagu duro bukaanka muddo hal daqiiqo gudahood ah ay awood u yeelan karto inay si buuxda u baabi’iso burooyinka kansarka bukaannada.
Khubaro caafimaad oo ka tirsan xarumo cilmi-baaris oo caan ah ayaa ku tilmaamay daawadan mid wax weyn ka beddeli karta habka loo daaweeyo kansarka.
Daawadan waxaa soo saartay shirkadda jnj.com, waxaana lagu horumariyay in ka badan 60 tijaabo caafimaad oo lagu baarayay noocyo kala duwan oo kansar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin kansarka sambabada, mindhicirka weyn, caloosha iyo maskaxda.
Amivantamab ayaa la siiyaa bukaanka hal mar saddexdii toddobaadba mar, iyadoo ka shaqeysa saddex hannaan oo isku mar ah, waxayna xannibtaa borotiinno ka caawiya burooyinka inay koraan, waxay joojisaa xeeladaha ay unugyada kansarku uga baxsadaan daaweynta, isla markaana waxay kicisaa difaaca jirka si uu ula dagaallamo cudurka.
Tijaabadii ugu dambeysay ayaa lagu sameeyay 102 bukaan oo qaba kansarka madaxa iyo qoorta, kuwaas oo ku kala sugnaa 11 dal, waxaana in ka badan 47 boqolkiiba bukaannadu ay si wanaagsan u dareemeen isbadelka daawadan.
Sidoo kale, in ka badan saddex meelood meel bukaannada ayaa burooyinkoodu yaraadeen, halka 15 qof oo ka mid ah la ogaaday in burooyinkii kansarku gabi ahaanba ka dabar-go’een jirkooda.
Khubarada ayaa sheegaya in faa’iidada ugu weyn ee daawadan ay tahay inay si weyn u yaraynayso waqtiga lagu qaato daaweynta, halkii bukaanku saacado badan ku qaadan lahaa faleenbo xididka ah, cirbaddan ayaa lagu siin karaa wax ka yar saddex daqiiqo iyadoo lagu durayo maqaarka.
Inkasta oo natiijooyinku yihiin kuwo rajo weyn dhaliyay, haddana khubaradu waxay xuseen in daawadu aysan weli ahayn dawo si buuxda u baabi’inaysa dhammaan noocyada kansarka, balse ay ka dhigan tahay horumar weyn oo laga gaaray daaweynta cudurradan halista ah.