U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo ka digtay Colaadaha Beelaha iyo Cudurka Daacuunka oo ku sii faafaya Galbeedka Suudaan

Juun 2, 2026

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in colaadaha u dhexeeya beelaha ku nool galbeedka Suudaan oo ay ku biireen dagaallada hubeysan iyo faafitaanka cudurka daacuunka, taasoo sii xumeysay xaaladda bani’aadannimo ee gobollada Darfur iyo Kordofan.

Sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), iska horimaadyo dhex maray kooxo bulshooyin iska soo horjeeda oo ka dhacay gobollada Bartamaha Darfur iyo Koonfurta Darfur ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo kumannaan qofna ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda, qaarna ay u qaxaan dalka dariska la ah ee Chad.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in amni darrada sii kordheysa ay si weyn u carqaladeysay howlaha gargaarka, islamarkaana gobolka Bartamaha Darfur  la hakiyay adeegyo gargaar oo ay ku tiirsanaayeen ku dhowaad 21,000 oo qof kadib dagaalladii halkaas ka dhacay.

Dhanka kale, gobolka Galbeedka Kordofan waxaa si xawli ah ugu sii fidaya cudurka daacuunka, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 300 kiis oo looga shakisan yahay cudurka iyo ugu yaraan 77 dhimasho ah.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay inay la tacaalayaan yaraanta agabka caafimaadka iyo dhaqaale la’aanta, ayadoo qaramada Midoobay ay xustay in inkastoo bishii Maarso lagu dhawaaqay dhammaadka cudur daacuun oo dalka oo dhan ku faafay, kaasoo sababay in ka badan 124,000 kiis iyo 3,500 dhimasho, haddana khatarta cudurrada biyaha wasakhaysan ku faafa ay mar kale sare u kacday xilli uu bilowday xilliga roobabka.

Intii lagu guda jiray maalmaha Ciidul Adxaa ee toddobaadkii hore, dagaallada ka socda Darfur iyo Kordofan ayaa sii xoogeystay, waxaana la sheegay in tobannaan rayid ah lagu dilay weerarro kala duwan.

Gobolka Waqooyiga Kordofan, dagaallo ka dhacay deegaanka Bara ayaa lagu soo warramayaa inay dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, halka in ka badan 2,200 oo qof ay ka barakaceen guryahooda sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

Sidoo kale, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo ka dhacay deegaanka Kadam ee Galbeedka Kordofan ayaa la sheegay inuu dilay ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah, halka weerar kale oo Sabtidii lagu qaaday magaalada Um Dukhun ee Bartamaha Darfur uu sababay dhimashada ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Qaramada Midoobay ayaa mar kale ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadaha inay ilaaliyaan shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee rayidka, isla markaana ay fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay maalgelin degdeg ah, maadaama codsiga gargaar ee dhan 2.9 bilyan oo doolar uu helay keliya 22% dhaqaalihii loo baahnaa iyadoo sanadka 2026 uu marayo bartamihiisa.

Xaaladda Darfur iyo Kordofan ayaa weli ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran Afrika, iyadoo shacabka rayidka ah ay wajahayaan dagaal, cudurro faafa, barakac iyo gaajo isku biirsaday.