U bood dhigaalka

Sidee Soomaaliya uga hortagi kartaa xanuunka Ebola, xilli Soomaali badani ay ku nool yihiin dalalka uu ka dillaacay?

Juun 2, 2026

Iyadoo cudurka Ebola uu marar kala duwan ka dillaacay dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Uganda, ayaa soo baxaya walaac ku saabsan sida Soomaaliya uga hortagi karto in cudurkaasi soo gaaro gudaha dalka.

Congo iyo Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin kumannaan Soomaali ah, kuwaas oo isugu jira ganacsato, arday iyo shaqaale.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaalida ayaa si weyn u kordhisay maalgashiga iyo ganacsiyada ay ku leeyihiin magaalada Kinshasa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Congo, taasoo sare u qaadday isu socodka dadka ee u dhexeeya labada dal, inkastoo Soomaaliya halkaas tagay ay u badan yihiin kuwo dalal kale ka socdaalay.

Khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in tallaabada ugu muhiimsan ee Soomaaliya qaadi karto ay tahay adkaynta baaritaannada caafimaad ee garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka.

Dadka ka imanaya goobaha uu cudurku ka jiro waxaa lagu samayn karaa baaritaanno dheeraad ah iyo dabagal caafimaad muddo cayiman ah si loo xaqiijiyo inaanay qabin astaamaha Ebola.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay diyaariso xarumo karantiil oo degdeg ah, korna u qaaddo tababarka shaqaalaha caafimaadka si ay ula tacaalaan xaalad kasta oo degdeg ah haddii cudurku dalka soo gaaro.

Dhinaca kale, wacyigelinta bulshada ayaa muhiim ah, maadaama Ebola uu ku faafo taabashada dheecaannada jirka ee qofka cudurka qaba, dadweynaha waxaa lagu boorrinayaa inay la socdaan talooyinka caafimaadka, isla markaana si degdeg ah ula xiriiraan xarumaha caafimaadka haddii ay isku arkaan calaamado ay ka mid yihiin qandho daran, matag, shuban ama dhiig-bax.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sidoo kale la gudboon inay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha caafimaadka caalamiga ah iyo dowladaha gobolka si loo helo xogta ugu dambeysa ee ku saabsan xaaladda cudurka iyo dhaqdhaqaaqa dadka ka imanaya dalalka uu cudurku saameeyay.

Inkasta oo Soomaaliya aan weli lagu arkin xaalado Ebola ah, haddana khubaradu waxay ku talinayaan in la qaato tallaabooyin ka hortag ah oo adag, maadaama xiriirka ganacsi iyo isu socodka dadka ee Soomaaliya la leedahay Congo iyo Uganda uu sii kordhayo.