Ciidamada ammaanka dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku ku guda jiraaan howlgal lagu ururinayo hubkii ay wateen ciidamadii shiikh Shariif ee ka dagaalamay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo ay sheegeen in lagu qariyey goobo kala duwan.
Booliska ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee dagan Degnada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ka dalbaday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.
Dhanka kale Taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inaan qofna laga aqbali doonin inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal laysku adeegsaday hub culus, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo xoogag ay wateen mucaaradka, gaar ahaan musharixiinta Xasan Cali Kheyre iyo Shiikh Shariif.