U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub iyo Gaadiid laga Soo Qabtay Guriga Sheekh Shariif

Juun 6, 2026

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in laga soo qabtay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee deegaanka Mirinaayo ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, oo shir jaraa’id ku qabtay goobta lagu soo bandhigay hubka iyo gaadiidka, ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay agabkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, islamarkaana uu weli socdo.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in laamaha ammaanku aysan ogolaan doonin in mar kale ay dhacaan shaqaaqooyinkii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaq kasta oo khatar ku noqon kara nabadgelyada caasimadda, isagoo uga digay dhinacyada ku lug leh abaabulka maleeshiyaad iyo hub urursiga in aysan ka baxsan doonin sharciga.

Laamaha ammaanka ayaa adkeeyay in howlgalada lagu sugayo amniga Muqdisho ay sii socon doonaan, iyadoo masuuliyiintu ku baaqeen in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada si loo xoojiyo xasilloonida iyo kala dambeynta magaalada.