U bood dhigaalka

Booliska Waqooyi Bari oo Howlgal Ka Dhan ah Maandooriyaha, laguna Sugayo Amniga Ka Fuliyay Buuhoodle

Juun 7, 2026

Ciidamada Booliska Waqooyi Bari ayaa howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga loogana hortagayo  maandooriyaha ka sameeyay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo deegaannada ku hareeraysan.

Taliyaha Qeybta Gobolka Togdheer ee Booliska Waqooyi Bari, Fahad Cabdikariin, oo warbaahinta la hadlay kadib howlgalka, ayaa sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah ama ka shaqeysa faafinta maandooriyaha.

Fahad Cabdikariin ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka, isla markaana lagu ilaalinayo badqabka shacabka, isagoo ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka sharci-darrada ah.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Booliska gobolka Togdheer lagu wareejiyay gaadiid iyo agab ciidan oo cusub, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadi doonaan awoodda ciidamada ee la dagaallanka dambiyada iyo sugidda amniga guud ee gobolka.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, iyadoo mudnaanta la siinayo la dagaallanka maandooriyaha, ka hortagga dambiyada iyo xaqiijinta xasilloonida deegaannada gobolka.