Taliska Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal lagu soo qabtay hub lagu keydiyay gudaha Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa sheegay in hubka lagu hayay qol si gaar ah loo adkeeyay oo ku yaalla hoteelka, isagoo xusay in furaha qolkaasi loo soo dhiibay odayaal deegaanka ah.
“Qol buruuf ah ayuu ku xiray hubkaani, furaha ayuu usoo dhiibay odayaal. Waa la jabin waayay, mana la qarxin, dalkaan xoog iyo mooryaanimo kuma sii jiri karto,” ayuu yiri Macallin Mahdi.
Taliyaha ayaa tilmaamay in Hoteelka Elite uu kamid yahay dhismayaasha muhiimka ah ee bilicda caasimadda Muqdisho, balse loo adeegsaday meel lagu keydiyo hub aan sharciyeysneyn.
Macallin Mahdi ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin in hub sharci darro ah lagu dhex haysto magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in goob ganacsi, hoteel ama guri deegaan midna aan loo oggolaan doonin in lagu kaydiyo hub aan fasax haysan.
Hubka lagu qabtay howlgalka ayaa lagu soo bandhigay gudaha Hoteelka Elite, halkaas oo saraakiisha amniga ay ku muujiyeen noocyada kala duwan ee hubka la sheegay in laga helay goobta.