U bood dhigaalka

Shirkii Kampala oo lagu ansixiyay qorshaha AUSSOM ugu wareejinayo amniga Ciidanka Xoogga Dalka

Ogoosto 1, 2026

Hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa isku raacay qorshe lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed muddo u dhexeysa 18 illaa 24 bilood ee soo socota.

Go’aankan ayaa lagu gaaray Shirkii Labaad ee Aan Caadiga Ahayn ee Dalalka Ciidamada ku biiriya AUSSOM, kaas oo Jimcihii ka qabsoomay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana martigeliyay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, iyo mas’uuliyiin ka socday Midowga Afrika (AU), Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka ayaa lagu ammaanay doorka dalalka ciidamada ku leh AUSSOM ee taageerada ay siiyeen Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

Shirku wuxuu dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya mideysan, xor ah oo leh hay’ado dowladeed oo awood leh, isagoo xusay in xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo midnimada qaranku ay saldhig u yihiin nabadda waarta.

Qorshaha kala-guurka ee la ansixiyay ayaa dhigaya in si tartiib tartiib ah masuuliyadda amniga loogu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la eegayo heerka ay ciidamada Soomaaliyeed ka gaarayaan dhismaha iyo awooddooda hawlgal.

Hoggaamiyeyaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in kala-guurkaasi uu ku saleysnaado xaaladda dhabta ah ee amniga, isla markaana uu barbar socdo sii wadista hawlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sii xoojiyo taageerada la siinayo ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada guurguura iyo ciidamada deegaanka ee suga amniga deegaannada laga xoreeyay kooxda.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista awoodda ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo taageerada dhinacyada cirka, wadaagga sirdoonka, dabagalka iyo tababarrada mideysan, si loo dhiso ciidan qaran oo awood leh.

Dhanka kale, madaxdu waxay xuseen in la dagaallanka fikirka xagjirka ah uusan ku koobnaan karin hawlgallo militari oo keliya, balse loo baahan yahay in la kordhiyo adeegyada bulshada, la abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo, isla markaana la xoojiyo adkeysiga bulshada si dhalinyarada looga ilaaliyo ku biirista kooxaha xagjirka ah.

Shirku wuxuu sidoo kale iftiimiyay caqabadaha dhaqaale ee weli haysta howlgalka AUSSOM, iyadoo la isku raacay in la sameeyo guddi wadajir ah oo ka shaqeeya xal u helidda maalgelinta hawlgalka iyo taageerada kala-guurka amniga Soomaaliya.