Ciidamada maamulka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xeradii ay ku sugnaayeen ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib is-afgarad ay gaareen saraakiishii PSF ee ku sugneyd xerada iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.
Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay si buuxda ula wareegeen xerada, taas oo ka mid ahayd saldhigyadii ugu waaweynaa ee ay ciidamada PSF ku lahaayeen deegaannada Puntland.
La wareegista xeradan ayaa timid maalin uun kaddib markii maamulka Puntland uu soo saaray amar uu ku sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay isku soo dhiibaan dhammaan ciidamada aan ka tirsanayn hay’adaha amniga ee maamulka, isla markaana ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xoojinayo mideynta ciidamada iyo adkeynta nidaamka amniga ee deegaannada Puntland.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ama saraakiishii PSF ee ku saabsanaa la wareegista xeradan.