U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka dhulka Turkiga oo tababar u soo xiray guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Ogoosto 8, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), iyo Taliyaha Ciidamada Jamhuuriyadda Turkiga, Jeneraal Metin Tokel, ayaa maanta magaalada Manisa ee dalka Turkiga ka qeyb galay munaasabad lagu soo gabagabeynayay tababar ciidan oo loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska “Eagle” ee Ciidanka Dhulka Soomaaliya.

Tababarkan ayaa ah mid muhiim u ah dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo ciidamadu ay muddo tababarro kala duwan ku qaadanayeen dalka Turkiga.

Tababarka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayay kobcinta xirfadaha milatari, anshaxa, isku-duubnida iyo awoodda hawlgallada ee ciidamada Kumaandooska, kuwaas oo qayb muhiim ah ka qaata hawlgallada amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ciidanka Qaranka Soomaaliya loo dhiso ciidan leh tababar iyo awood ku filan oo uu ku gudan karo waajibaadkiisa qaran, isla markaana gacan ka geysan kara sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Munaasabaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku diyaarinayaan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyadoo dowladda ay sheegtay inay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta awoodda ciidamada iyo sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Tababarka iyo qalin-jabinta ciidamada ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo ka mid ah dadaallada lagu dhisayo Ciidan Qaran oo tayo leh, isku duuban, isla markaana awood u leh inuu si buuxda u guto waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca milatariga ayaa muddooyinkii dambe xoogaystay, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay Turkiga ku qaataan tababbarro lagu horumarinayo xirfadaha dagaalka, hoggaanka iyo hawlgallada gaarka ah.