43,028 oo ku kala nool gobolka Banaadir iyo maamulgoboleedyada dalka, marka laga reebo maamullada Puntland iyo Soomaalilaan ayaa u fadhisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, sanaddugsiyeedka 2025/2026. Imtixaanka ayaa si wadajir ah uga furmay 158 xarumood iyo 58 degmo oo ku yaalla guud ahaan dalka. Imtixaankan oo markii 12aad oo xiriir ah ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxaa sanadkan u fadhiisatay ardaydii ugu badnayd abid tan iyo markii la billaabay qaadista imtixaankan.
Marxaladihii uu soo maray Imtixaanka Qaranka waxaan u kala saari doonnaa seddex marxaladood oo kala ah:
- Marxaladdii Cabsida iyo Moogganaanta
Muddo 24 sano kadib, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyonTacliinta Sare ayaa sanadkii 2015kii billawday qaadista Imtixaanka Qaranka. Ardaydu waxa ay galeen imtixaanka iyaga oo aan wadan labiska ama dharka loogu talagalay waxbarashada ee yunifoomka duruufo amniga la xiriira aawadeed, goobaha imtixaanka waxaa lagu diyaariyay gaadiidka gurmadka degdegga ah ee anbalaasta, taas oo cabsida ku sii kordhineysay ardayda imtixaanka galeysa, wxaana u sii dheeraa in ay ka soo baxeen dugsiyo leh manaahij kala geddisan. Iyada oo duruuftaas adag ay ardaydu ku soo galeen imtixaanka, waxaa jiray arday badan oo ka baaqsaday Imtixaanka Qaranka, kuwa cabsaday oo u bareeri waayay iyo kuwa kale oo aan iyagu u arkayn Imtixaanka Qaranka in uu muhiim yahay, kuwo aysan u suurtagelin qaarkoodna uu dhowaan Ra’isalwasaaraha JFS Xamse Cabdi Barre u fasaxay markii la qiimeeyay duruuftii berigaas jirtay.
- Marxaladdii Fadeexadda iyo Ogaalka
Waa marxalad ay bulshadu ku baraarugtay muhiimadda uu u leeyahay Imtixaanka Qaranka, marxaladaan inkastoo ay cabsidii weli jirtay, haddana waxaa muquuniyay fahanka muhiimadda imtixaanka, taas oo markii danbe sababtay in ardaydu ee xoogga saaran helitaanka dhibco sare, waana halka ay ka billaabatay fadeexaddii Imtixaanka Qaranka. Waxaa si wadajir ah uga shaqeeyay in uu fashilmo imtixaanka Qaranka qaar ka mid ah bahda waxbarashada heerarkooda kala duwan sida uu sheegay Wasiirkii waxbarashada ee xilkigaas Cabdullahi Goodax Barre, kaas oo markii danbe go’aansaday in la baajiyo imtixaankii xilligaas socday.
Waxaa sidoo kale aad u xoogeysatay doodda ah in ardayda gobollada ay heystaan fursad ka wanaagsan tan gobolka Banaadir, waxaana arrinkaas sababay in ardayda ku nool gobollada dalka ay helaan darajo ka sarreysa kuwa caasimadda. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladda ayaana ku eedeyay ardayda caasimadda waxa hoos u dhigay ay tahay balwad iyo isticmaalka daran ee baraha bulshada gaar ahaan Tiktok. Aragtidaas waxa ay keentay in ardayda gobolka Banaadir ay u hayaamaan gobollada dalka iyaga oo rajeynaya in ay keeni doonaan darajo wanaagsan.
- Marxaladdii Sarukaca iyo Horumarka
Waa marxaladda hadda lagu jiro iyo tan ugu wanaagsan tan iyo markii uu bilowday Imtixaanka Qaranka. Ugu horreyn waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay cabsidii iyo duruufihii ku gedaamanaa Imtixaanka Qaranka, si la mid ah waxaa la adkeeyay in uu duso ama baxo imtixaanka Qaranku. Waxaa la geeyay degaanno hor leh oo ka tirsan koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga dalka.
Wasaaradda Waxbarashadu, waxa ay sidoo kale ku guuleysatay in dhammaan dadka ka shaqeeya Imtixaanka Qaranka laga soo billaabo dajinta, daabicidda, daabulista, ilaalinta iyo sixitaanka ay noqdaan shaqaalaheeda, taas oo meesha ka saareysa in ay baxaan xogaha la xiriira Imtixaanka qaranka.
XOGTAN HOOSE WAXA AY MUUJINEYSAA ARDAYDA GASHAY IMTIXAANKA 2016-2026
| SANADKA | ARDAYDA IMTIXAANKA GASHAY | ARDAYDA GUDUBTAY | ARDAYDA HARTAY | kaalinta 1aad | Jinsiga |
| 2016 | 11,574 | 19,104 | 1,470 | Banaadir | dheddig |
| 2017 | 18,239 | 15,356 | 2,883 | Banaadir | Lab |
| 2018 | 25,675 | 20,030 | 5,645 | Banaadir | Lab |
| 2019 | 29,434 | 22,499 | 6,935 | Banaadir | Lab |
| 2020 | 33,727 | 25,177 | 8,550 | Banaadir | Lab |
| 2021 | 34,908 | 30,262 | 4,646 | Galmudug | Lab |
| 2022 | 33,468 | 32,325 | 1,143 | Banaadir | Lab |
| 2023 | 32,501 | 30,005 | 2,496 | Jubland | dheddig |
| 2024 | 36,034 | 33,668 | 2,366 | Banaadir | Lab |
| 2025 | 38,471 | 32,714 | 5,757 | Banaadir | dheddig |
Gabagabo
Imtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad wuxuu soo maray saddex marxaladood: cabsi iyo moogganaan, iyo ugu danbayn horumar. Maanta wuxuu noqday nidaam qaran oo xoogaystay, kana qayb qaadanaya midaynta halbeegga waxbarashada iyo qiimeynta ardayda Soomaaliyeed.
Guusha Imtixaanka Qaranku kuma koobna tirada ardayda u fadhiisata, waxayse ku jirtaa caddaaladdiisa, hufnaantiisa, fadeexadda iyo ogaalka ilaalintiisa iyo kalsoonida bulshada. Haddii horumarkan la sii adkeeyo, imtixaanka Qaranku wuxuu noqon karaa halbeeg lagu kalsoonyahay oo lagu cabbiro tayada waxbarashada iyo aqoonta jiilka cusub ee Soomaaliyeed.