Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay gudaha magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya maleeshiyaad taageersan maamulkii Laftagareen iyo ciidanka dawladda.
Sida xogaha hordhaca ah lagu helayo, maleeshiyaad la sheegay inay taageersan yihiin maamulkii hore ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa weerar ku qaaday magaalada Baydhabo, sida uu sheegay afhayeenkoodu.
Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, iyadoo la maqlayo rasaas iyo hub culus.
Xogaha isa soo taraya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada weerarka qaaday ay isku dayeen inay la wareegaan qaar ka mid ah goobaha magaalada, balse faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan halka ay hadda marayaan dagaalladu iyo cidda gacanta ku haysa goobahaasi weli lama hayo.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay in ciidamo iyo maleeshiyaad taageersan maamulkii Laftagareen ay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-Shabaab, eedeymahaas oo dhinaca kale uu horey u diiday.
Wararka ku saabsan xaaladda magaalada ayaa weli isa soo taraya, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha, xaaladda shacabka iyo sida uu dagaalku hadda u socdo.