U bood dhigaalka

Mareykanka iyo maamulka Woqooyi Bari oo ka wada-hadlay xoojinta amniga

Sebteembar 5, 2026

Wasiirka Amniga Maamulka Woqooyi Bari, Gaashaanle-sare Cabdirisaaq Faarax, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo iskaashiga dhinacyada amniga, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dadaallada looga hortagayo khataraha amni.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sare u qaadista iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha, iyadoo la eegayo sidii loo xoojin lahaa awoodaha hay’adaha amniga iyo wax ka qabashada caqabadaha amni ee jira.

Maamulka Woqooyi Bari ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta dhinaca amniga ee maamulka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu muddooyinkii dambe dardargeliyay wada-shaqaynta iyo iskaashiga uu la yeelanayo maamul goboleedyada dalka ka jira.