U bood dhigaalka

Mareykanka oo qorsheynaya inuu saldhig ciidan ka sameysto Boosaaso

Sebteembar 5, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso inay magaalada Boosaaso ka dhigato xarun muhiim u ah howlgalladeeda militari ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan hawlgallada badda iyo kuwa ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Warbixin uu baahiyey warsidaha Drop Site News, oo fadhigiisu yahay Washington D.C., ayaa sheegtay in saraakiil sare oo Mareykan ah, kuwaas oo xilligan ka howlgala saldhigga Mareykanka ee Jabuuti, ay qorsheynayaan inay ka howlgalaan xarun cusub oo laga sameynayo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Sida ay saraakiil ka tirsan Puntland u sheegeen warsidaha, saldhigga cusub ayaa noqon kara goob muhiim u ah isku-dubbaridka hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo amniga badda iyo howlgallada ka socda deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in saldhigga lala xiriirinayo cutub cusub oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo laga howlgelinayo Puntland, kaas oo Mareykanku taageero siin doono.

Sida uu saraal sare oo aan magaciisa la shaacin u sheegay Drop Site News, Mareykanka ayaa la filayaa inuu bixiyo mushaharka, tababarka iyo qalabka ciidamadaas.

Tallaabadan ayaa haddii ay hirgasho noqon karta mid sare u qaadda iskaashiga militari ee u dhexeeya Mareykanka iyo maamulka Puntland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan iyo sugidda amniga xeebaha.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Puntland iyo saraakiisha Mareykanka ay heshiiska la xiriira saldhigga ku gaareen Addis Ababa, iyadoo qorshaha saldhigga hore loo shaaciyey toddobaadyo ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu warsiduhu la xiriiray ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan warbixinta iyo qorshaha saldhigga Mareykanka ee Boosaaso.

Haddii qorshahan la xaqiijiyo, Boosaaso waxay yeelan kartaa muhiimad militari oo cusub, iyadoo Mareykanku halkaas uga adeegsan karo saldhigga hawlgallada badda iyo kuwa dhulka ee ka socda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.