Falcelin xooggan ayaa kasoo dhalatay fal dil ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Askariga ayaa la sheegay inuu xilliga dhacdadu ku jiray fasax, isla markaana uu u socday gobolka Hiiraan, isagoo ku safrayay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in askariga, oo la socday gaarigiisa, ay jidka u galeen maleeshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo la sheegay inay gaariga kala degeen, kadibna ay dileen.
Muuqaal laga duubay askariga ka hor inta aan la dilin ayaa sidoo kale la faafiyay, waxaana muuqaalkaas laga fahmayaa inuu ka hadlayay xaaladdii uu ku sugnaa iyo dadkii uu la kulmay.
Si kastaba, faahfaahinta muuqaalka iyo cidda si toos ah uga dambeysay dilka ayaan weli la xaqiijin, balse goobta uu falku ka dhacay ayaa muujinaysa in askariga loo diley aano qabiil.
Dhacdadan ayaa si weyn uga caraysiisay bulshada Soomaaliyeed, waxaana qaar kamid ah nabadoonnada iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, ay sheegeen in dilka askariga uu abuuri karo xiisad hor leh haddii aan si degdeg ah oo sharci ah wax looga qaban.
Nabadoon Cismaan Maxamuud, oo ka mid ah nabadoonnada gobolka Hiiraan, ayaa si adag uga hadlay dhacdada xilli wareysi siinayay Goobjoog, isagoo sheegay in falalka noocan ah ay dhalin karaan falcelinno iyo aargoosi kale, taasina ay khatar ku tahay nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Nabadoonka ayaa dowladda ugu baaqay inay si dhab ah u baarto dhacdada, isla markaana tallaabo adag oo sharci ah laga qaado cid kasta oo lagu helo inay ka dambeysay dilka askariga.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli horey loo soo diley askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu dilay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo dhalisay walaac ku saabsan amniga ciidamada marka ay ku safrayaan deegaanadaas.