Muqdisho, 30 Sebteembar 2026 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa sheegtay in laga bilaabo 1-da Oktoobar 2026, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya gudaha dalka looga baahan doono inay wataan Aqoonsiga Qaranka marka ay safarayaan.
Sida lagu sheegay ogeysiiska NIRA, tallaabadan waxay khuseysaa dadka ku safraya gudaha Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in dadka safarka gudaha ku jira laga hubin doono Aqoonsiga Qaranka.
NIRA waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan muwaadiniinta u safreysa gobollada dalka lagu wargelinayo inay horey u soo qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ama Shahaadada Aqoonsiga Qaranka.
Hay’addu waxay tilmaantay in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu yahay qayb ka mid ah dadaallada lagu dhisayo nidaam aqoonsi oo mideysan, iyadoo NIRA ay tahay hay’adda qaabilsan bixinta aqoonsiga heer qaran, halka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (HSJ) ay qaabilsan tahay baasaboorrada iyo arrimaha socdaalka.
Ogeysiiska NIRA ayaa xusay in go’aankan uu qeyb ka yahay heshiis ay NIRA iyo HSJ wada gaareen 30-kii Juun 2026.
NIRA waxay sidoo kale horey u sheegtay in Aqoonsiga Qaranka loo adeegsan karo xaqiijinta qofka iyo helitaanka adeegyo kala duwan oo ay bixiyaan dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.