Muqdisho, 30 Sebtembar 2026 — Safaaradda Boqortooyada Midowday ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dagaallada dib uga bilowday magaalada Baydhabo iyo saameynta ay colaadahaasi ku yeelanayaan dadka rayidka ah.
Qoraal ay maanta soo saartay Safaaradda UK ayaa lagu sheegay in dowladda Britain ay ka walaacsan tahay dib u soo cusboonaanshaha dagaallada Baydhabo, iyadoo dhammaan dhinacyada ugu baaqday inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay ka shaqeeyaan dejinta xiisadda.
Safaaradda ayaa sidoo kale dhinacyada ugu baaqday inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo hannaan nabadeed, iyadoo ka digtay in rabshado dheeraad ah ay sii xumeyn karaan xaaladda bani’aadannimo ee horey uga jirtay Koonfur Galbeed.
UK ayaa sheegtay in bulshada deegaanka ay sidoo kale wajahaan saameynta ka dhalan karta roobabka la xiriira El Niño toddobaadyada soo socda, taas oo walaaca bani’aadannimo sii kordhin karta.
Baydhabo ayaa maalmahan wajahaysa xiisad iyo dagaallo u dhexeeya dhinacyo iska soo horjeeda, iyadoo xaaladda amni iyo tan bani’aadannimo ay si dhow isugu xiran yihiin.