U bood dhigaalka

Sideed badmaaxiin Masaari ah oo laga sii daayay afduub ka dhacay xeebaha Soomaaliya

Sebteembar 30, 2026

Sideed badmaaxiin u dhashay dalka Masar oo muddo bilo ah lagu haystay kadib markii lagu afduubtay markabka M/T Eureka oo marayay xeebaha Soomaaliya, ayaa la sii daayay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Badmaaxiintan ayaa la sheegay in laga afduubtay markabka 2-dii May, xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha gobolka Puntland, Sida warbixintu tilmaamayso, rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ahaayeen burcad-badeed Soomaali ah ayaa gacanta ku dhigay markabka, kadibna waxay u jiheeyeen dhanka xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Badr Abdelatty, uu faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay qaabisho badmaaxiinta, hubiso xaaladdooda caafimaad iyo badqabkooda, isla markaana fududeyso sidii loogu celin lahaa dalkooda diyaarad ugu horreysa.

Intii ay afduubka ku jireen, safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa fududeysay xiriirka u dhexeeyay badmaaxiinta iyo qoysaskooda, si qoysasku ay uga war hayaan xaaladdooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sidoo kale sheegtay in dadaallada lagu sii deynayay badmaaxiinta ay ku yimideen kadib amar iyo dabagal uu sameeyay madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, iyo xiriirro heer sare ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar uu la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo Yemen.

Masar ayaa muddo bilo ah waday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo sii deynta sideedda badmaax, ayadoo Warbixino hore ay sheegeen in afduubayaasha ay dalbadeen lacag la xiriirta sii deynta shaqaalaha iyo markabka, inkastoo faahfaahinta heshiiska lagu gaaray sii deynta aan si rasmi ah loo shaacin.

Sii deynta badmaaxiinta ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay weli muhiim u yihiin dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeednimada iyo sugidda amniga maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha gobolka.