U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Markabka Shidaalka Qodaya ee Çağrı Bey

Oktoobar 16, 2026

MUQDISHO (Goobjoog News) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka.

Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray warbixin ka dhageystay khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka, kuwaas oo uga warbixiyay hawlaha qodista ee socda, natiijooyinka laga gaaray iyo xogta hordhaca ah ee laga helay shaqada ilaa hadda la qabtay.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu xaqiijiyo jiritaanka iyo baaxadda khayraadka shidaal ee ku jira biyaha dalka, si loo ogaado awoodda khayraadkaasi u leeyahay inuu qayb ka noqdo dhaqaalaha Soomaaliya.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan hawlaha qodista shidaalka ee markabka Çağrı Bey, inkasta oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin natiijooyinka rasmiga ah ee hawlgalka iyo xaddiga shidaal ee la xaqiijiyey.