U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya Uma Socoto Dagaal Siyaasadeed

Oktoobar 17, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan dalka u horseedayn dagaal siyaasadeed, isla markaana aysan qorsheynayn inay weerarto madaxda mucaaradka iyo dadka ka aragtida duwan dowladda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta, doorka xildhibaannada iyo diyaar-garowga doorashooyinka federaalka ee la qorsheeyay sannadka 2027-ka.

“Cidna dagaal kuma wadno, dagaalna isu diyaarin mayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo meesha ka saaray walaaca laga qabo in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira ay isu beddelaan iska-horimaad hubeysan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu taagan yahay muran siyaasadeed oo la xiriira wax-ka-beddellada dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo hakadka ku yimid wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo madax hore ayaa dowladda uga digay in ciidamada ammaanka loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan qofna u xireyn aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo xusay inaysan jirin siyaasiyiin xiran oo uu ku tilmaamay maxaabiis siyaasadeed.

“Maanta meesha aan joogno, hal qof oo siyaasi ah oo xabsi ku jira ma qabno; maxaabiis siyaasadeed ma qabno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxa uu intaas ku daray in handadaadda iyo cabsi-gelintu aysan ka mid ahayn mabaadi’da dowladdiisa, isaga oo mucaaradka ugu baaqay inay aragtiyahooda ku soo bandhigaan wada-hadal siyaasadeed, kana fogaadaan hadallada bulshada ku abuuri kara cabsi iyo jahawareer.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa xildhibaannada JSP kala hadlay diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan wacyigelinta bulshada iyo hirgelinta hannaanka ay dowladda ku doonayso in shacabka ay si toos ah ugu doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Inkasta oo madaxweynuhu meesha ka saaray suurtagalnimada dagaal siyaasadeed, haddana khilaafka dowladda iyo mucaaradka ayaa weli taagan. Qodobada ugu waaweyn ee la isku hayo waxaa ka mid ah wax-ka-beddellada dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo qaabka loo wajahayo wada-hadallada siyaasadeed.