Golaha Wakiillada Galmudug ayaa guddoomiye u doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas .
Xuseen ayaa ka guulaystay Murasharixii la tartamayay, Cismaaciil Cabdi Jaamac, ka dib markii uu helay 79 cod oo kamid 87 cod oo ay xubnaha goluhu dhiibteen.
Xuseen Maxamed Nuur, waa siyaasi Soomaaliyeed oo soo qabtay xilal kala duwan oo maamul iyo siyaasadeed, kana soo shaqeeyay hay’ado dowladeed oo heer federaal iyo heer gobol ah.
Xuseen Maxamed Nuur ayaa waayihiisa shaqo ka soo bilaabay maamulka adeegyada caafimaadka, isaga oo soo noqday Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, oo maanta loo yaqaan Isbitaalka Erdogan.
Khibraddiisa maamulka ayaa markii dambe u horseedday inuu ka mid noqdo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.
Bishii Janaayo 2018, waxaa loo magacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca maamulka iyo maaliyadda, xilkaas oo uu ka qabtay maamulka caasimadda iyo arrimaha maaliyadeed ee gobolka.
Markii dambe ayuu u gudbay siyaasadda heer federaal, waxaana doorashadii baarlamaanka ee 3-dii Febraayo 2022 uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP051 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sannadkan 2026, Xuseen Maxamed Nuur ayaa mar kale ka dhex muuqday siyaasadda, isaga oo u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo ka socday ururka siyaasadeed ee Caddaaladda iyo Wadajirka.
Xuseen Maxamed Nuur wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee soo maray shaqada maamulka iyo siyaasadda, isaga oo khibrad ka helay adeegyada caafimaadka, maamulka caasimadda iyo matalaadda baarlamaanka.