U bood dhigaalka

Sooyaal: Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar

Oktoobar 17, 2026

17kii Oktoobar 2024, maanta oo kale laba sano ka hor, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday abwaan Sugaal Cabdulle Cumar, oo ka mid ahaa hal-abuurkii Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay horumarinta suugaanta, fanka iyo wacyigelinta bulshada. Abwaanku wuxuu ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow Dugsiga Tababarka Booliska ee degmada Xamarjajab. Runtii wuxuu ahaa suugaanyahan iyo abwaan qiimo badan oo muddo dheer ka maansoonayay waddaniyadda iyo daljacaylka. Wuxuu astaan u ahaa gobannimada iyo is-ahaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku soo barbaaray miyiga gobolka Mudug, halkaas oo uu yaraantiisii ku bartay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, gaar ahaan dhaantada. Sannadka rasmiga ah ee dhalashadiisa lama xaqiijin, waxaase lagu qiyaasaa inuu dhashay horraantii 1950meeyadii. Wuxuu curinta gabayada ka bilaabay magaalada Gaalkacyo, ka hor intii aan loo soo wareejin Muqdisho, halkaas oo uu kaga mid noqday Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sugaal wuxuu ahaa gabyaa, heesaa, laxamiiste, iyo jilaa. Wuxuu curiyey heeso, gabayo iyo riwaayado badan oo ka hadlayay waddaniyadda, midnimada, qabyaaladda, jacaylka, iyo arrimaha bulshada. Riwaayadaha lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa Magaalajoogxumo iyo Xujo Guur iyo Xaal Masruuf. Waxa kale oo suugaantiisa caan ka noqday heesta Layla, oo uu isagu ku luuqayn jiray, iyo maansooyinka Duuduub ha loo Liqo, Garwaaqsi, Wadajir iyo Dhalanteed.

Xilligii dagaalkii 1977dii, abwaan Sugaal wuxuu ka mid ahaa fannaaniintii suugaanta ku dhiirrigelinayay ciidamada Soomaaliyeed ee garabka iyo gaashaankaba u ahaa. Sannadihii danbe ee noloshiisana wuxuu sii waday curinta iyo gudbinta suugaanta, isaga oo macallin iyo abwaan u ahaa Kooxda Heegan. Hal-abuurkiisu wuxuu si gaar ah ugu suntanaa wacyigelinta bulshada, ka digista qabyaaladda iyo dhiirrigelinta wadajirka bulshada.

Geeridiisii 17ka Oktoobar 2024 waxay bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed u ahayd gabbal dumay iyo gudcur maararuugle ah! Waxaa lagu xusuusan doonaa oo laga dhaxlay suugaan iyo riwaayado weli qayb ka ah hiddaha iyo dhaxalka dhaqameed ee Soomaalida.

Alle ha u naxariisto abwaan Sugaal Cabdulle Cumar.