U bood dhigaalka

Ahlu Sunna: DFS Ayaa Afduubatay Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Iyadoo muddoyinkii ugu danbeeyay uu soo ifbaxayay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxda Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haya dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa qoraal kale oo cabasho ah waxaa soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir.

Qoraalkan  ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay afduubatay Doorashada maamulka Galmudug, iyagoona arrinkaasi ka digay.

Warsaxaafadeedkaan oo uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sidoo kale looga digay DF in ay hareermarto waxgaradka Galmudug si loo helo maamul loo dhanyahay.

Ugu danbeyn Ahlu Sunna, waxa ay ku goodisay In haddii DFS, ay wax ka badali weyso hanaanka haatan ay wax u wado in iyaguna ay soo dhisi doonaan maamul kale kaas oo sida ay sheegeen noqon doona mid loo dhanyahay.

Halkaan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Ahlu Sunna

Goobjoog News