U bood dhigaalka

Akhirso: Sida Loogu Kale Guuleytay Doorashadii Guddoonka Degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa ay doorteen  guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa, kadib doorasho ka dhacday xarunta madaxtooyada magalaadaaas, golaha ayaa guddoomiye u doortay Faarax Diiriye Warsame, kaas oo 15 cod kaga guuleystay musharraxii la tartamayay Jibriil Cumar Jimcaale oo helay 8 cod.

Kadib doorashada guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale goluhu ay doorteen guddoomiye ku-xigeenka degmada, waxaana ku guuleystay xilkaas Cabdixakiin Maxamed Cali, isaga oo natiijo lamid ah middii hore ku guuleystay, waxaa uu helay 15 cod, halka musharrax Sayid Cali Daahur Maxamuud uu helay 8 cod, oo kamid 23-ka ee golaha deegaanku ay ka kooban yihiin.

Degmada Cadaado ayaa horaantii asbuuca waxaa ka bilaabatay doorashada golaha deegaanka oo shacabku ay soo doorteen, kuwaas oo ka kooban 23-xildhibaan, xubnahaan ayaa dhexdooda iska dhex doortay guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, oo ay ku soo kale baxeen Faarax Diiye Warsame oo guddoomiye noqday iyo Cabdi Xakiin Maxamed Cali guddoomiye ku-xigeen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka Iyo dib-u-heshiinta dowladgoboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jamac (Cabdiwayeel) Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Omar Abdi ayaa Waxay Hambalyo u direen  Gudoonka cusub ee Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee maanta lagu doortay magaaladaas.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in degmooyinka hoos yimaado laga hirgeliso hannaanka dhismaha gole deegaan, kaas oo shacabku ay ku dooranayaan dadkii u adeegi lahaa, magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa horay loogu guulaystay in loo dhiso iyadoo dhowaan la filaayo in degmooyinka kale oo caasimaddu ku jir loo sameeyo.

Goobjoog News