U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Weerar Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada xoogga dalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhaliyey khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac laba dhinac ah, walow aan si dhab ah aan loo ogeyn, waxaana la sheegayaa in Al-shabab ay gudaha u galeen saldhigga Bacaadweyne oo ay soo weerareen, ciidamada ayaana markii dambe ku guuleystay in ay dib ugu soo laabtaan saldhigga

Sidoo kale Alshabab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan qoraal ay soo galiyeen waxaa ay ku sheegeen in dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Bacaadweyne saldhigga ku yaallo ay kula wareegeen gaadiid dagaal iyo hub ciidan sida ay warka u dhigeen, kuwaas oo garayo ilaa 5 gaadiid sida ay ku xuseen qoraalkooda.

Dhanka kale waxaa jirin wax war ah oo ka soo baxay taliska qeybta 21-aad ee xoogga dalka oo ku sugnaa deegaanka la weeraray, oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhacay. Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo  ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalamayaan duleedka Bacaadweyne.

Al-shabab ayaa dhowaan sidaan oo kale weerar ugu qaaday Saldhiggaan ku yaalla deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, Al-shabab ayaana deegaanno dhow ah waxaa ay kaga sugan yihiin deegaannada Galmudug, waxaana inta badan dhaca dagaallo u dhaceeyo iyaga iyo xoogga dalka oo ku sugan Galgaduud iyo Mudug.

Goobjoog News