U bood dhigaalka

Akhriso: Habraaca Shirka dib u Heshiisiinta Beelaha Galmudug Oo La Soo Saaray

Sheeko:Dalka

Guddiga qaban qaabada Shirka Beelaha dega deeganada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca Shirkaasi uu socon doono iyo waxa looga baahan yahay ka qeyb galayaasha shirka.

.Xubnaha Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo ay ka kooban tahay Habraaca Shirkaasi loo maraayo, waxaana qodobada ay kala yihiin.

  1. Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
  2. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka
  3. Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
  4. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
  5. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 .

inkastoo ay jiraan beelaha qaar ee shirkaan diidan, haddana lama oga sida uu ku suurageli doono qabsoomida Shirkaan, waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku saabsan diyaargarowga Shirkaasi.

Goobjoog News