U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada Ay Ka Wada Hadleen Odeyaasha Dhaqanka Cadaado iyo Kheyre

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado, ee xarunta baarlamaanka Galmudug waxaa maanta kulan ku yeeshay odeyaasha dhaqanka magaalada iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayey odeyaasha ku soo bandhigeen qodobbo muhiim u ah horumarka Galmudug iyaga oo soo-jeediyey in laga dhiso Galmudug maamul oo dhan yahay, oo cid walbo raalli ka tahay.

Qodobbada kale ee ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa: In marnaba aan gorgortan la gelin xarunnimada Cadaado ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, sidaa darteedna ay ka dhacdo doorashada soo socota.

Odeyaasha dhaqanka ayaa ra’isul wasaare Kheyre xusuusiyey ballanqaadyo mashaariic oo uu ku jira dhismaha xabsiga magaalada, kaas oo horay ay u sameysay dowladda dhexe balse aan waxbo laga qaban.

Dhankiisa, ra’isul wasaare Kheyre ayaa balanqaaday in talada ay dhex taallo reer Galmudug, dowladda Soomaaliyana ay gacan siin-doonto uun dadka reer Galmudug.

Kheyre waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in magaalada Cadaado ay bilowday nabad iyo nolol iyo barnaamijyada is xilqaanka, ayna caan ku tahay.

Kulanka oo is afgarad ku soo dhammaadey waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaannada Galmudug ku matala baarlamaanka federaalka ah oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed iyo xildhibaanno kale sida mudane Saabir Shuuriye iyo mudane Cabdiraxmaan Odowaa.

Goobjoog News