U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre

Sheeko:Amniga

Madaxeeynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacabaay ra’iisulwasaaraha dalka Dr Xamse Cabdi  Barre .

Haddaba Goobjoog News waxaa ay kula wadaageysa taariikhda ra’iisulwasaaraha cusub.

Hoos ka akhriso taariikhda Ra’iisulwasaaraha Cusub.

Xamse Cabdi Barre, waxa uu ku dhashay magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland, sanadkii 1970-kii.

Xildhibaan Xamse Cabdi Barre waxa uu shahaadada heerka labaad ee waxbarashada ka diyaariyay Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga, Jaamacadda Islaamiga ee Caalamiga ah ee Malaysia (2009); heerka koowaad ee waxbarashada waxa uu Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolijiyadda ee Yemen (2001) ka diyaariyay Maamulka.

Waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Jubbaland (2019—2020); lataliye sare ayuu ka soo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (2015—2019); lataliye sare oo arrimaha maamulka ayuu u soo noqday Duqii Hore ee Muqdisho (2014—2015); Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (Peace and Development Party — PDP, 2011—2017) oo hadda isu beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka (Union for Peace and Development Part — UPD) ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu soo noqday.

Xildhibaan Xamse waxa uu waqti dheer ku soo qaatay horumarinta iyo sare-u-qaadista tayada waxbarashada dalka. Waxa uu wax ka aasaasay Jaamacadda Kismaayo, halkaas oo uu ka soo mid noqday maamulka guud ee Jaamacadda Kismaayo. Sida oo kale waxa uu ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Muqdisho. Waxa uu soo noqday Xoghayihii Guud ee Dalladda Waxbarashada ee FPENS (2003—2004).

Xildhibaan Xamse, sidoo kale, waa aqoonyahan, cilmibaare sare iyo indheergarad ku soo shaqeeyay gudaha dalkiisa, isaga oo u soo dulqaatay dhammaan duruufihii kakanaa ee ay ugu darnaayeen dagaalladii sokeeye.

Xildhibaan Xamse waa 48 jir xaasle ah oo leh 8 carruur ah.
Goobjoog News