U bood dhigaalka

Amarkii Deni oo Hirgeliwaayey iyo Dibadbaxyadii oo Soo Labakacleeyey

Sheeko:Dalka

Shacabka magaalada Garoowe ee Puntland ayaa maanta oo sabti ah dhigay Mudaharaad ay kaga cabanayo sicir-bararka lagta Shinlinka  waxaana maanta xiran  dhammaan goobaha ganacsiga ee magaalada caasimadda ah.

Mudaharaadashaa ayaa maamulka Puntland waxaa ay ugu baaqayaan in wax ka qabto sarakaca dhanka sarifka oo shacabku ay sheegayaan in shilinka Soomaaliga uu aad u faro batay, taas oo keentay inuu laba jibaar ku dhowaado .

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegaya in maamulka Puntland uusan ogopleyn in lacagaha shilinka Soomaaliga ah ay ku qaadaan canshuuraha, taas oo keeni laheyd inuu shilinku si siman uu u shaqeeyo , waxaana uu dhaliyey saameyn.

Sare u kaca ka taagan Puntland ayaa waxaa uu saameynta ugu badan uu yeeshaa dadka dan yarta ah, kuwaas oo noloshooda maalin laha ah uu kusoo galo shilinka Soomaaliga, suuqana aan wax fiican uga goyneyn oo ku filan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in ciddii diidda qaadashada shilinka Soomaaliga ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah, waxaana la ogeyn sababta uu u dhaqan geli waayey.

Goobjoog News