Dalka Soomaaliya waxa uu dhacaa cirifka bari ee qaaradda weynta afrika ku magacaaban, wuxuuna leeyahay bed dhuleed balaaran oo isku darka talyaaniga iyo faransiiska ka wayn iyo mid badeed oo aad u dheer oo ka sukow shidaal, kalluunka, luulka, dahabka, iyo cambarka muushka ka ah rabbi qoondo iyo qadan uga dhigay marin biyood ganacsiga iyo isku gooshidda gaadiidka badda laf-dhabar u ah