2 daqiiqo Sheeko:Deegaanka & Cimilada Soomaaliya oo xoojisay u diyaar-garowga fatahaadaha Beledweyne, iyadoo laga digayo roobab culus Hay’adaha dowladda Soomaaliya u qaabilsan maaraynta musiibooyinka ayaa sare u qaaday diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada Beledweyne, oo ka mid ah meelaha Soomaaliya ugu nugul fatahaadaha.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Sacuudiga oo danaynaya maalgashiga dahabka Burkina Faso Warshadaha dahabka ee Burkina Faso ayaa soo jiitay indhaha maalgashadayaal cusub oo ka socda Sacuudiga, kaddib markii dalka Galbeedka Afrika uu sannadkii 2025 dhoofiyay dahab lagu qiyaasay in ka badan 8 bilyan oo dollar.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maraykanka iyo Ruushka oo ka wada hadlay tallaabooyinka xiga ee wada-hadallada Ukraine Wakiillo sare oo ka socda Mareykanka ayaa Moscow kula kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay AfCFTA iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo helaya Suuq ballaaran Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay hannaanka ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo noqotay dalka 50-aad ee xubin ka noqda heshiiskan kadib markii dowladda Soomaaliya ay dukumentiga ansixinta ku wareejisay Midowga Afrika magaalada Addis Ababa.
1 daqiiqo Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab Ciidanka Danab oo sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulay ay ku dileen 14 Al-Shabaab ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buula Fulay ee gobolka Baay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo amartay in baaritaan lagu sameeyo dhacdadii Doolow Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo dhacdadii amni ee dhowaan ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaddib markii ay dowladdu sheegtay in qarax uu ka dhacay guriga Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Mareykanka iyo maamulka Woqooyi Bari oo ka wada-hadlay xoojinta amniga Wasiirka Amniga Maamulka Woqooyi Bari, Gaashaanle-sare Cabdirisaaq Faarax, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Erdogan oo sheegay in Turkigu dadaal ugu jiro dejinta xiisadda Mareykanka iyo Iiraan sheegay in dalkiisu sii wadi doono dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, isagoo sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.
2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ciidanka Yemen oo sheegay inay dib ula wareegeen dhul istiraatiiji ah, xilli dagaallo ay ka socdaan Ticis iyo Xudeyda Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay dib ula wareegeen goobo muhiim ah oo ay horay u haysteen Xuutiyiinta, xilli dagaallo culus ay maalintii labaad ka socdaan qaybo ka mid ah koonfur-galbeed iyo xeebaha dalka.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Amniga Mareykanka oo qorsheynaya inuu saldhig ciidan ka sameysto Boosaaso Dowladda Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso inay magaalada Boosaaso ka dhigato xarun muhiim u ah howlgalladeeda militari ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan hawlgallada badda iyo kuwa ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.