U bood dhigaalka

Axmed Madoobe iyo IOM oo Kawada Hadlay Soo Celinta Qoxootiga

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo wuxuu ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka aduunka ee IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .
Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha dib usoo celinta qoxootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo kahor dalka ku dhufatay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah.
Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer kulamo kala duwan la yeeshay IOM, kuwaas oo ku aadan sidii loo soo celin lahaa dadka Qoxootiga ah iyo sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa gudaha dalka.
Goobjoog News