U bood dhigaalka

Axmed Madoobe oo Awaamiir Dul Dhigay Hey’adaha Ka Howlgala Jubbaland

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa la kulmay wakiillada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada Jubaland, iyadoo diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud deegaannada Jubbaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa sidoo kale u sheegay wakiillada hay’adaha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado arrimaha  shaqaalaysiinta ee hey’adu bixiyaan ka shaqeeya gargaarka.
Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka ku barakay gudaha deegaannada Jubaland iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay magaalooyinka kale duwan ee Jubbaland.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan, waxaana diiradda lagu saaray taakulayta dadka abaaraysan iyo shaqo abuurista dhallinyarada.
Goobjoog News