Baarlamaanka Jubbaland oo Doortay Guddoomiye

Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayey baarlamaanka maamulkaasi ku doorteen guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55.

Cabdiraxmaan doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa  18 cod.

Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW