Bajaajleyda Gaalkacyo oo Ka Cabanaya Canshuur Kordhin Lagu Sameeyey

Dhallinyada ku shaqeysta gaadiidka Bajaajta ee ka dhex shaqeeya magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho ka muujiyey canshuur kordhin la sheegay in ay ku sameysay wasaaradda maaliyadda Puntland, iyagoo sheegay in aysan awoodin.

Dhallintaan oo ka dhex shaqeeya xaafada Waqooyiga magaalada ayaa isugu soo baxay ka sameeyey xarunta degmada Gaalkayo, waxaana ay ku andacoonayaan in aysan tahli karin canshuur kordhinta lagu sameeyey.

Wasaaradda maaliyadda ayaa horay sidaan oo kale waxaa ay canshuur kordhin ugu samaysay dukaaleyda gacacsada ah , kuwaas oo maalinimadii shalay muujiyey cabashada ay ka qabaan tallaabada ay qaaday wasaaradda sameeyey .

Tallaabooyinkaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo weli shaqo joojin uu ku jiro guddoomiyihii degamada Gaalkacyo ee Puntland Zaahid maxamuud oo wasaaradda arrimaha gudaha ay shaqo joojin ku sameysay.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW