Balli-howd oo Laga Hirgeliyey Dugsi Hoose Dhexe

Munaasabaddaan xarigga looga jarayay dugsiga Baxru-nuur ee deegaanka Balli-Howd oo hoostagta dagmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa ka soo Qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Galmudug,maamulka dagmada guriceel,maamulka dugsiga, waalidiin iyo waxgarad ka tiran dadka deegaanka ku nool, waxgaradka iyo dhalinyarada deegaanka Ballihowd ayaa ka mahadceliyay furitaanka dugsigaan iyagoo sheegay in uu ku soo beegmay waqti ay u baahnayeen.

Shiiq Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari iyo Agaasimaha guud ee Madarasada Baxru-nuur oo ka hadlay xafladda lagu furayay madarasaddaan ayaa sheegay in Dugsigan hoose dhexe ee baxru-nuur oo ka howlgala deegaanno farabadan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay uga gol-leeyihiin sidii Caruurta ku nool deeganada ka fog magaalooyinka  loo gaarsiin lahaa adeeg waxbarasho.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug  Mudane Ahmed Deeq oo dhankiisa ka hadlay xafladda ayaa Sheegay inay bogaadinayaan dadaallada waxbarashada lagu gaarsiinayo  dadka ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka Galmudug.

Dugsiga Baxru-nuur ayaa horay looga hirgaliyay dagmooyinka Dhuusmareeb Guriceel, Cadaado iyo deegaannada tuulo-caano, Ballicad, goodwiil oo ka tirsan gobolka Galgaduud taas oo dhalinyarada deeganadaas ay ku heleen adeeggii waxbarasho ay u baahnaayeen.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. isotretinoin with overnight delivery in internet Cialis Tabs India Levitra Lakemedel [url=http://cialibuy.com]generic 5mg cialis best price[/url] Propecia Tiempo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW