U bood dhigaalka

Baydhabo: Akhriso Magacyada Murashaxiinta Maanta Ka Hor Khudbeynaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Diseembar 16, 2018

Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 3 murashax.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow

Doorashada koonfur galbeed ayaa dhici-doono 19-ka bishan, waxaan weli la’ ogeyn inuu ka qeyb gali-doono Roobow iyo in kale.

Qoraal uu sabtidii soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxaa uu codsaday in la sii-daayo Mukhtaar Roobow, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada.

Arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed, Kala soco halkan

Goobjoog News