U bood dhigaalka

Boosaaso: Kolanyo Deni La Socoday Oo La Qarxiyay

Sheeko:Amniga

Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa maanta wafdi uu hoggaaminaayey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni lagula beegsay duleedka magaalada Boosaaso, gaar ahaan Koontaroolka laga soo galo magaalada.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa siweyn looga maqlay magaalada ayaa waxaa uu qabsaday gaari mid kamid ah kuwii wafdiga, waxaana soo baxaya khaasro kala duwan oo ka dhashay qaraxa lala eegtay wadigaan ku sii jeeday magaalada Boosaso.

Waxaa inta la ogaaday qaraxa ku geeriyootay laba askari oo ka tirsan ilaalada madaxweynaha, waxaana jira dhaawacmay afar kale, ciidamada ayaa markaas furay rasaas walow aan la ogeyn khasaare ay geysteen rasaasta ciidammadu ay fureen.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa dhowaan ka dhacay qarax miino, kaas oo waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah iyo Nabaddoonno, kuwaas oo sugnaa maqaayad ku taalla waddada aada garoonka diyaaradaha magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan la filaayo in magaalada Boosaaso lagu qabto doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka oo deegaan doorashadoodu ay tahay deegaannada Puntland, waana goobta labaad ee loo asteeyey.

Goobjoog News