U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Odawaa oo Deegaanka Dibir Ka Xarig-jaray Ceel-biyood

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed Odawaa wasiirkii hore ee arrimahagudaha federalka Soomaaliya, ayaa deegaanka Dibir oo 30 km u jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa uu xariga uga jaray ceel biyood, kaas oo sanadkaan dhismihiisa uu ka socday deegaanka, waxaana uu kamid yahay tiro ceelal ah oo xildhibaanka uu ka hirgeliyey deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galmudug oo deegaan doorashadiisa ay tahay xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa waxaa safarka uu deegaanka ku gaaray ku wehlinaayey mas’uuliyiin ka tirasanta degmada Cadaado sida guddoomiyaha Cadado  iyo gobolka Mudug, isagoo goobta xarigjarka ka hadalayey ayuu yiri

“Ceelkaan waxaa  uu imaatinkiisa uu muhiim  iigu yahay inaan fariin u diro dadkii idiin soo taakuleeyey oo aan u tagnay in shaqadii aan idiin qabanay ay idn soo gaartay, si bari aan kuwa kale aan u gudbinayno iyagana warkooda loo dhageysto. Xildhibaannimada iyo jago weliba ee mas’uuliyadeed uu qofka uu haayo waxaa ay macno ku samaysaa in ay dadka wax ugu qabato”

Oday  deegaanka Dibira masuul ka ahaa ayaa sheegay kohor hirgelinta ceel biyoodkaan in ay deegaanka jirtay xaalad biyo la’aan oo sababi kartay in laga abarakoco deegaanka” Meeshaan biyaha waxaa ay uga imaan jireen Cadado 30km ayey noo jirtaa wadadeeduna waa wado dhagax ah waad aragteen hadda waaxaan kusoo jirnay labo saacadiod, biyuhu waxaa ay ku imaan jireen 4$ iyo wax lamid ah Fuustadii, hadda waan u jeednaa ceelkaan bishii January sanadkaan ayuu Riigga soo istaay”

“Waxaan u madda u sheegaynaa Matoorada Cabdiraxmaan Odawaa uu qoday umadda Soomaaliyeed in ay u siman yihiin, cid allaala ciddii Islaam ah in aysan ka oodneyn, ceel Qabiil aysan aheyn, Soomaali usiaman yihiin oo gacmo furanlagu soo dhoweynayo, waxaan kale oo u sheegeynaa Cabdiraxmaan Odaywaa maxaa meeshaan looga baahan yahay ayuu yiraahdaa maahee yaa reer heebel ah ma yiraahdo”

Guddoomiyaha degamada Cadaado Cabdiraxmaan Tootoole iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Cabdi Xuseen Sheekh ayaa bulshada deegaanka u dardaaramay ka shaqeynta hormarinta deegaanka.

“Xildhibaan waxaan kaaga mahadcelinayaa waxii aad hore aad  qabatay, wixii aad keentay, dadka haddii cunto iyo raashin aad siiso maalintaas ayey ku filan yihiin, laakiin waxa haraya oo jiritaanka leh ayaa dadka wax ugala iskuul ama jaamacad la dhisay ama ceel la qoday waxa nuucaas ah oo bulshada qeyb kasto kaafinayo, ceelkaan qof gooni ah ma isticlaamayo bulshada deegaankaas degan iyo mid socotaa ayaa istic maalayo” ayuu yiri guddoomiye Tootoole.

Goobjoog News